Dowladda Farmaajo iyo KHeyre: SHarcigii waxaa looga kaaftoomay Laaluush!

W/Q: Axmed Yaasiin Maxamed Sooyaan

PUNTLAND POST, marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale, qoraalkan waxa uu ka tarjumayaa aragtida qoraaga, waxaan kaliya oo dhiirigalinaa isdhaafsiga aragtida. PUNTLAND POST, waxay tixgalin gaara siinaysaa maqaalada sida gaarka ah loogu soo diro ee aan meelaha kale lagu daabacin.

Madaxweyne farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre

Wasiiro ama madax iyo odayaalxoolahoodii lagu laaluushayo oo mid kasta ku faraxsanyahay!

Waxaa arrin yaab leh danta uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka leeyahay inuu  jinsiyaddii uu dalka Maraykanka ka haysta iska celiyo! Kolayba ma aha mid dadka Soomaaliyeed ugu macnaysmaysa inay tahay sabab la xiriirta danta dalka, wadaninimo, Soomaali jacayl, iyo inuu shisheeye ka madax bannaanyahay! Waxaa iyadana jira warar kale oo tilmaamaamaya in dowladda Maraykanka ay iyada kala noqotay sharcigiisii jinsiyadda iyadoo ku eedeynaysa musuqmaasuq baahsan oo uu ku sameeyay doorashadii maamul goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya 2018kii. Waxaana adag sida loo rumaysto in Madaxweyne Farmaajo uu iska celiyay jinsiyaddii uu ka haysta dalka Maraykanka sida loo ekeysiinayay sababo la xiriira dal jacayl iyo wax-iska-celin, dabeecad ahaanna Farmaajo ma aha qofkaas ama kama muuqato dhaqankiisa qof ahaan ama kartidiisa hoggaamiyenimo,  laakiin waxaa lagu macnayn karaa inay jiraan sababo badan oo wali inaga qarsoon!…maxay yihiin waqtigaa sheegi doona…

Waxaan iyadana mar keliya ka muuqan oo aan  madaxweynaha hannaankiisa siyaasadeed laga dheehan wadaniyaddii uu shaatigeeda soo gashtay, oo xataa haddii ay dhab tahay inuu isaga iska celiyay jinsiyaddii Maraykanka waxaa loo qaadan karaa oo keliya in arrintani ay tahay  mid uu doonayo inuu ku xoojiyo hal-ku-dhegyadiisii hore ee lagu soo doortay ee wadaniyadda ku salaysnaa, taasoo dadku xooggiisu qabaan inuusan ka run sheegin oo uusan lahayn dhaqankeeda! Madaxweynuhu isagu dantii uu doono ha ka lahaado inuu celiyo jinsiyaddiisii Maraykanka, laakiin shacabku waxay taaganyihiin Timirtii Hoaraba Dab Loo Waa! Waxaanse shaki ku jirin in arrintani ay  qayb ahaan ka mid tahay waxyaabaha ay madaxweynaha la noqotay meeshii uu ka bilaabi lahaa ololihiisa doorashada 2021-ka…Waxaa kaloo loo qaadan karaa inay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah barnaamijyada uu ugu diyaar garobayay sidii mar kale loo soo dooran lahaa, waxaana aad macquul u ah inay wada socdaan duulaanka uu ku qaaday  maamul goboleeddada, iyo inuu markii hore iibsaday golihii sharci ahaanshaha maamul-goboleeddada difaaci lahaa (baarlamaankii) isagoo wasiiro ka dhigaya ama mushaaro dheeri ah u qoraya!…

Waxaa iyadana aan qofna daah ka saarnayn madaxweyne, Farmaajo, ra’iisal-wasaare, Xasan KHeyre, iyo wasiirada dhammaan ay isku raacsanyihiin inay ku shaqeeyaan nidaam musuqmaasuq ah oo guntiisu tahay  burburinta nidaamka dowladeed ee taagta daran ee wali la lagdamaya burburkii uu dalka soo maray iyo siyaasadihii is diidanaa ee burburkaas ka dhashay.   Waxay ku shaqeeyaan siyaasad loo adeegsanayo lacago ay ku laaluushayaan dad-weynihii, siyaasiyiintii, aqoonyahankii, ganacsatadii, dhallin-yaradii, taasoo sida ay is fahmasiiyeen ay ku meel marin karaan siyaasado guracan oo lagu wiiqayo dhammaan qawaaniintii iyo hay’adihii dowladda, oo uu ugu horeeyay golihii shacabka, waxay la dagaaleen dhaqankii suubanaa ee mujatamaca, iyagoo ku bedelay been lagu faafiyo dad-weynaha dhexdiisa taasoo ay waliba  dhammaan isku raacsanyihiin, waxayna habkaas u arkeen qaabka keliya ee ay ku meel marin karayaan siyaasaddooda qaloocan ee ka soo hor jeedda qawaaniinta,  dastuurka dalka u yaala iyo damiirka qof kasta oo garasha leh, oo ay ku jirto wadaniyad iyo lixo-jeclo uu dadkiisa iyo dalkiisa uu u qabo.

Waxaa iyadana in si cad loo qeexo ah in laaluushka noocaas ah uu yahay midka albaabada loogu xiray golihii shacabka, in laaluushka noocaas ah uu yahay midka aamusiiyay guddoomiyihii golaha shacabka Maxamed Mursal SHiikh Cabdiraxmaan isla markaasna fadhiidka ka dhigaya hawshii golaha shacabka!…waa shaqadaas, shaqada ay hayaan Farmaajo, KHeyre, iyo xukuumadooda! Waa laaluushkaas midka Galmudug loogu kala raray Dhuusamareeb, Hobyo, Cadaado, iyo Caabudwaaq, shacabku waa inuu indhaha kala qaadaa oo uu arkaa waxa hareerihiisa ka socda…Bal Maxamed Mursal ha la weydiiyo aaway ammaannadii iyo hawshii aad ummadda u haysay?!…Aaway golihii laguugu ogaa?! Ma hubtaa kitaabkii aad ku dhaaratay cahdigii aad ku martay  inaad ku taagantahay!… SHaki la’aan “haa” buu oran lahaa lagana yaabo inuu  kitaab kale ku mari lahaa inuu ku taaganyahay cahdigii loo dhaariyay!… Arrinta ay bilaabeen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali KHeyre ee ay ku sharciyeeyeen musuqmaasuqa ma aha mid iyag keliya ku ekaanaysa, laakiin waa nidaam ay jideeyeen oo khatar weyn  oo dalka soo wajahday ah, taasoo haddii aan la helin talo lagu  hor joogsado dhibaato aad u weyn siyaasadda dowladnimmada Soomaaliya ay ka dhaxlayso. Adigu ka feker dowlad wax kasta gadanaysa, Guddoomiyihii golaha shacabka gadanaysa, madaxdii maamul goboleeddada gadanaysa, wasiiradii gadanaysa…Sharcigii dalka oo dhan lacago siisatay!… Taasi waa sharci la’aan, waa dowlad la’aan, macnaha waa Burcadnimo!   

Arrintan sida muuqato waxay noqonaysaa tab ay barteen siyaasiyiinta aan noocooda iyo tayadooda aragnay, ama aan baranay, waxaana shaki la’aan ah musuqmaasuqa, iyo laaluushka in xukuumadda hadda joogta ay ka dhigtay qayb ka mid ah nidaamka ay dalka ku maamusho! Sida hadda muuqata fal-danbiyeed ma ah in xukuumadda ay laaluush bixiso, dowladda waxaa lagu eedeeyay inay Maxamed Cusmaan Jawaari lacag laaluusha siisay si uu xilkii guddoomiyinimmada baarlamaanka uga tago, ma aysan beenin!… Sidaas oo kale waxaa lagu eedeeyay inay lacag faro badan ku laaluushta SHariif Xasan SHiikh Aadan madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed si uu xilkaas uga tago ma aysan beenin!… Arrinta wali taagan ee Galmudug, si ay isaga hor keento Ahlu-Sunnah iyo madaxweynihii Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf) waxaa lagu eedeeyay dowladda in hoggaanka Ahlu-Sunnah siisay lacag laaluusha ah oo 4 million oo dollar, sidaasoo kalana ay madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf  ay siisay 3 million oo dollar oo laaluusha ah si uu isaga tago xilka, dowladdu marna ma  aysan beenin jiritaanka musuqmaasuqa intaas la eg  ee ay dalka nidaamkiisa siyaasadeed ku burburinaysay taasoo loo qaadan karo inay si ula kac ah dalka xeerarkiisii iyo qawaaniintiisii u burburnaysa, waxaana la moodaa inay XABAASHA ama QABRIGA ku soo ogaadeen Golihii Shacabka iyo hay’adihii sharci-ilaallinta!… Maxay hadda ka wadaa Jubbaland?!…

Dalkii wuxuu noqday shimbirkii garabka ka jabay ee uu cunugga yar qabtay!

Waxaas oo dhan marka aad u dhabbo gasho waxay ku tusayaan in Farmaajo iyo KHeyre aysan lahayn tayo hoggaamin dowladeed ama siyaasadeed, isla markaasna aysan ku kalsoonayn awooddoda hoggaaminta haddii aysan laaluush bixinayn, waxayna xeylad yaridooda siyaasadeed ay ku qasabtay qaybinta lacago laaluusha ah, isku-dir, iyo kala geynta ummadda!…Waxayse khatarta ugu weyn ka imaanaysaa in denbiyada ay galeen labadaas nin aysan waxba ka qaban ama haba yaraatee aysan wax ka oran haddii ay ahaan lahayd Golihii SHacabka, ama Xeer-Ilaallinta Qaranka!… Waxaana talo wanaagsan ah si aysan mar dmbe u dhicin in Xildhibaannada lagu laaluusho xil wasiirnimo in si sharci ah laga mamnuuco qofka xildhibaanka ah inuu wax xil ah oo ka baxsan xildhibaanimmada qabto sida; inuu wasiir noqdo ama xil kale ee dowladeed, ama in laga mamnuuco qof aan xildhibaan ahayn inuu wasiir noqdo si loo ilaaliyo tayada iyo taabo galnimmada golaha ama loo yareeyo in xildhibaannada lagu laaluusho wasiirnimo, ama xilal kale sida ay hadaba sameeyeen KHeyre iyo Farmaajo!   

Qays  Bin Mulawax oo ahaa ninkii u waashay Laylah  Al-Caamiriyah ayaa markuu dhibaatooday oo uu waayay wax uga garaaba dhibaatada uu  ku jiro ku calaacalay  tix uu macnaheedu ahaa;  Anigu soo ma ihi shimbirkii garabka ka jabayee ilmuhu qabteen, iyagana aysan lahayn caqli ay ku daayaan asna uusan lahayn awood uu kaga duulo! Soomaaliya Allow sidaas ma u egtahay?! Burburkii ku dhacay!… Farmaajo iyo KHeyre  waxay siyaasad u qaateen isku dirka iyo kala dilka shacabkii ay u adeegi lahaayeen, waxay la dagaaleen dareen kasta oo  wadan jacayl iyo wadaniyad horseedi lahaa, waxayna wadankii u ekeysiiyeen dal aan la kala lahayn oo ay u simanyihiin qofka Soomaaliga ah iyo qofka aan ahayn!…Waxay dhallin-yardii ka dhaadhiciyeen dalkooda lagu soo duulay gaalo iyo muslimiinba inuusan cadow lahayn! Waxa ay ina badeen waxaa ka daran waxa ay ina bareen!…Dad-weynaha wax laga  doonayaa inay gartaan  oo ay fahmaan wax ku dhacay Galmudug, iyo xiisadaha maamullada jira laga dhex wado iyadoo laaluush loo isticmaalayo lacagihii loogu adeegi lahaa dadka iyo dalka…

W/Q: Axmed Yaasiin Maxamed Sooyaan