Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo la sii daayay, laguna amray in uusan 2 sano ka bixin Muqdisho

Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel)

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah go’aan ka soo saartay kiiskii Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo labo jeer oo hore Puntland ku xukuntay dil toogasho.

Maxkamadda sare ee ciidamada Soomaaliya ayaa maanta amartay in si deg-deg ah xabsiga looga sii daayo Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, hadii aysan jirin dambiyo kale oo loo haysto, waxayna sidoo kale amartay in uusan ka bixi karin magaalada Muqdisho muddo labo (2) sano ah.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa ku amartay ciidamada amniga in ay si gaar ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqiisa ku dhawaad shan sano (5)  iyo in uu todobaadkiiba mar iska diiwaan geliyo xarunta dambi baarista Boliiska (CID), sida uu, u sheegay warbaahinta guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Janaraal Liibaan Cali Yarow.

Puntland iyo Ina Calool Geel

Markii ugu horeysay xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole ayaa 17-kii November 2012 magaalada Gaakacyo ku qabatay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo la sheegay in uu ahaa madaxii dhaqaalaha iyo saadka Al-shabaab ee gobolka Mudug, waxaana la sheegay xiliga la qabtay in uu waday boorso ay ku jiraan walxaha qarxa islamarkaana uu qirtay inuu yahay Al-shabaab.

Maxkamadda ciidamada Puntlnad ayaa 2-kii March 2013 Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ku diray xukun dil ah, waxaana xukunkaasi sababay in labo qof shacab ah oo reer Puntland ah lagu afduubo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Kadib doorashadii Madaxweyne Gaas 2014-kii, ayaa xasbiga laga siidaayay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) , waxaana qaab nabad ah la isku dhaafsaday Calool Geel iyo dadkii shacabka ahaa ee lagu haystay Koonfurta Gaalakcyo.

Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geelayaa lagu eedeeyay siideyntii sii kadib inuu ka dambeeyay qaraxyo iyo dilal ka dhacay gudaha Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale isku dhacyadii dhexmaray Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale Ina Calool Geel ayaa mar la sheegay in lagu dilay weerarkii 28-kii  September 2016 ciidamada Puntland oo kaashanaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen meel bariga uga beegan Gaalkacyo, kaas oo lagu beegsaday koox lagu tuhunsanaa in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Puntland ayaa markale 23-kii July 2017 Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) iyo saddex qof oo kale ku qabatay howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada sirdoonka Puntland iyo Galmudug, kaas oo laga fuliyay Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Puntland ayaa markale xukun dil ah ku riday 12-kii bishan November, 2018 Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel), sida uu sheegay Gudoomiyaha maxkamada ciidamada gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntland G/sare Cawil Axmed Faarax.

Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug waxaa 13-kii bishan November, 2018 ka  dhacay mudaharaad kooban oo ay dhigeen dad u badan dhalinyaro, kaas oo looga soo horjeeday xukunka Puntland ku riday Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo ay ku sheegeen in uu ahaa nin ganacsade ah.

17-kii November 2018 ayaa Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo dil toogasho ku xakunaa laga duuliyay magaalada Boosaaso, isagoo lagu wareejiyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyna Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo dhowr jeer u fariisatay kiiska Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa maanta soo saartay go’aankan.

PUNTLAND POST