Puntland: Sarkaal ciidan oo xabsi-guri la geliyay

G/dhexe Axmed Abshir Axmed (jaraale)

Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in xabsi-guri la geliyay taliye xigeenkii hore ee Booliiska gobolka Bari, G/dhexe Axmed Abshir Axmed (jaraale) oo sida la sheegay ku eedaysan arrima kala duwan.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Puntland ayaa maalmo ka hor weeraray guriga sarkaalkan oo lagu eedaynayo in uu hub dowladdu leedahay gurigiisa geystay mudadii uu xillka hayey, iyo sidoo kale in uu hub sharci-darro ah la soo degay, sida ay sheegeen saraakiil ciidan.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland, taliyaal ciidan, siyaasiyiin iyo waxgarad ayaa ku guulaystay in ay kala qaadan ilaalada sarkaalkan iyo ciidamo Booliis ah oo gurigiisa hareereeyay,iyadoo ay rasaas is weydaarsadeen labada dhinac balse aan wax khasaare ah ka dhalan.

Guddi dhex-dhexaad ah oo arrintan loo saaray ayaa la sheegayaa in ay guriga sarkaalkan ka heleen ilaa 30 qori oo isagu sheegtay in uu leehay, balse waa lagala wareegay, waxaana lagu amray mudada baaritaanku socdo in uusan gurigiisa ka bixi Karin.

Dhinaca kale, waxay ku soo aadday laba maalmood kadib markii dowladda Puntland mamnuucday, soo dejinta, dhoofinta, iyo ka ganacsiga hubka noocyadiisa kala duwan iyo agabka ciidamada, islamarkaana amartay in aan wax hub ah lala geli Karin garoomada diyaaradaha iyo dekedda magaaalada Boosaaso.

Xubno ka tirsan guddiga hawshan ku jira ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in weli uu socdo baaritaan la xiriira arrimaha lagu eedeyanayo G/dhexe Jaraale oo hore u soo noqday taliye ku xigeenka ahna, ku simaha taliyaha Booliiska gobolka Bari ka hor intaan xilka  laga qaadin 23 Maarso ee sannadkan.

PUNTLAND POST