Madaxweynaha Puntland oo taliyaal cusub magacaabay

G/sare Xuseen Cali Daan

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa taliye cusub u magacaabay taliska qaybta Booliiska gobolka Bari.

Dikreeto ka soo baxday xafiiiska madaxweynaha, ayaa taliyaha qaybta Booliiska gobolka Bari lagu magacaabay, G/sare Xuseen Cali Maxamed (Daan), halka ku xigeenkiisa loo magacaabay G/dhexe Cabdirashiid Barre Maxamed (Aamusane).

Taliyihii hore qaybta Booliiska gobolka Bari G/sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa 6-dii December 2018 loo doortay, xildhibaan ka tirsan Baarlamanka dowladda Puntland, waxaana xilka sii hayay ku xigeenkiisi G/dhexe Axmed Abshir Axmed (Jaraale).

PUNTLAND POST