Internet-ka oo Soddon jirsaday

Internet-ka ayaa la asaasay 12 March, 1998, oo hada laga joogo 30 sano, waxaana sameeyay Dr. Tim Berners-Lee oo hada u ololeeya in internet-ku inuu ahaado  mid furan oo aan cidna xiran.

Taariikhda Internetka oo kooban.

Internetka aynu maanta naqaano ee caalamka oo dhan loo wada bogay, waxtarka weyn laga helay, howlo badan fududeeyey wuxuu ka dhashay tartan ka dhexeeyey laba quwadood oo caalamka ka jiray wixii ka danbeeyey dagaalkii 2aad ee aduunka.

Internetku wuxuu salka ku hayaa abuuristiisa arimo ciidan iyo iska celin dawladda Maraykanka ay raadinaysan hab ay isaga celiso awooda Ruushka taas oo ka dhalatay markii Ruushku ama midowgii Sofiyeedka ay cirka u direen dayax gacmeedkii la oran jiray Sputnik 1 sanadku markuu ahaa 1957. Taas oo ka dhigtay Sofiyeedka inay awood xaga isgaarsiinta iyo xog helida ciidan ay kaga hor marayso awoodii kale ee markaa caalamka ka jirtay ee Maraykanka iyo xulafadiisa NATO.

Taas iyada oo laga hor tagayo ayaa Maraykanka wuxuu bilaabay inuu helo maadaama cirkii looga hor maray  hab kale oo  ciidankoodu  ku gudbistaan xogahooda ciidan taas oo aan cidna markaa arki karin ama dareemi karin.

Shaqadii, maalgelintii iyo caqligii laysugu geeyey abuurida isgaarsiintaa qarsoon ama horumarsan ayaa waxay dhashay in la dhiso Internet-ka oo laysku xiro qalabka isgaarsiinta oo leh kumbuyuutar, radiyow, satilite iyo iwm. In la helo aalad casriyaysan oo ka kooban  noocyo qalabyo kala duwan ah iyo waayiro lana dhiso borogaraamo xogta ka qaada meel ama kumbuyuutar (server) geeyana kumbuyuutar (server) kale iyada oo aan la dareemin ama la arki karin habka qoraalka ama isgaarsiinta laysugu gudbinayo.

Aaladda ama xogta samaynta Interne-tka waxa ay ku koobnayd oo keliya Jaamacado khaas ah, taliska ciidanka Maraykanka, iyo mac’hado/ jaamacado ku yaal qaybo ka mid ah Europe oo howsha cilmibaarista arinkaan casrigaa qayb ka ahaa.

Hadaba muddo kadib markii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa, ayaa farsamadii internet-ka waxaa la arkay in looga faa’iidaysan karo xagga bulshada iyo dhaqaalaha, sidaa awgeedna waxaa la ogolaaday in shirkadaha ganacsiga iyo shacabka loo bandhigo oo ay markaa la eego in dhinacayada horumarka looga faa’iidaysto aaladan sirta markii hore lagu abuuray.  Xiliga la bilaabay in siyaabo kale looga faa’iideysto aaladan cusub ee internet-ka waxay soo bilaabatay horaankii 1970kii.

 Internetku xiligaa  weli ma noqon wax sidaas u hana qaada oo shirkaduhu ay daneeyaan in kastoo ay bilaabatay in la maalgashado wixii ka bilowday horaankii 80aadkii oo inta badan ay ka qayb qaateen shirkadaha isgaarsiinta oo u isticmaalayey internetka inay ku xiraan kumbuyuutarada si markaas qoraalada laysugu gudbiyo iyada oo la isticmaalayo khadadka  cod laliyaasha ka sakow nidaamka wadahadalka ee isgaarsiinta halow halow ay ku dhisnayd wakhtigaas hore.

Farsamadan waxay ku salaysnayd in qoraalkii oo cod ah ama qoraal ah la diri karo iyada oo la isticmaalayo aalada cusub ee Internetka iyo tan isgaarsiinta ee telefoonka oo laysku xiray taas oo ah in kumbuyuutarka lagu xiro khad telefoon oo markaa qoraalka sidaas uga qaada oo ugu gudbiya qofka  kale ee fadhiya kumbuyuutar meel kale yaal.  Inta ay labada kumbuyuutar isu jiraan way kala duwanaan kartaa wayna koobnayd wakhigaa.

Internekta xilligaa jiray wuxuu ku koobnaa fariimo qarsoon oo markii la diro u baahan in borogaraam kale soo akhriyo oo ka dhigo wax qofka ay fariintu u timi akhrin karo, borogaraamadaas oo fara kala duwan iyo luuqado kala duwan ku qornaa ayaa waxay sababtay in Internetku uu noqdo wax ku kooban oo keliya Jaamacadaha iyo Machadada cilmi baarista oo keliya oo ku ekaa magaalooyin kooban oo dalka Maraykanka dhexdiisa ah iyo dhowr kale oo Yurub ku yaalay.

Tusaale fariintakumbuyuutar Jarmani yaal laga soo diro oo Faransa loo soo diro waa in lagu soo akhriyaa borogaraam  kale oo bedela habka fariinta loosoo diray u qoran tahay ama u taal oo Faransiis kumbuyuutarka yaal ku jira oo markaa loo soo akhriyo si khubarada ay u fahmaan una akhriyaan fariinta la soo diray iwm.  Qoraalkasta oo xiligaa la diro wuxuu u baahnaa in borogaraam kale uu tarjumo si markaa loo akhrin karo oo kumbuyuutarka lagala soo baxayo kujira. Ma jirin luuqad dhexe oo dhamaan internetka qaababkiisa kala duwan iyo luuqadihiisa kala duwan isku si u muujisa oo u soo bandhigta.

Hadaba Internetka aan hada naqaano waxa uu hirgalay markii Engineer Ingiriis ah oo dhalin yaro ah oo ka shaqeynayey machadka cilmibaarista Europe ee CERN uu soo saaray warqad uu ku soo bandhigayo hab cusub oo Interdnetka lagu hor marinkaro, qoraalkana ka dhigaya mid si caadi ah qofka qoraya/daabacaya  iyo kan akhrinayaba ay uwada arkaan sidaasna ku gudubta oo qofkii ay u socotay ugu tagta meel kasta oo uu caalamka ka joogo iyada oo aan loo baahnayn in borogaraam kale la qoro si loo soo akhriyo ama kumbuyuutarka ay timi u fahmo.

Waxay ahayd  Maarso 12, 1989 taas oo hada laga joogo 30 sano, Ninka sameeyey waxaa la dhahaa habkaas cusub Dr. Tim Berners-Lee oo hada u ololeeya in internetku ahaado mid furan oo aan cidna xiran.

Wixii intaa ka danbaysay Internetka  aynu maanta naqaano ayaa bilowday, waxayna ahayd May 1990 markii lagu dhawaaqay in uu soo baxay waxa loo yaqaan World Wide Web (WWW)  iyo HTTP protocols oo sahlay in Internetka noqdo goob qof kasta uu wax ku qori karo kuna soo bandhigi karo qoraal iyo sawiro si sahlan loo fahmayo.

Abuuristii  Dr. Tim Benard-Lee ayaa noqotay tan ugu weyn ee internetka ka dhigtay aalad caalami ah oo cid walba ka faa’iidaysato ilaa hadana miraheeda la guranayo.

KADIB 1990.

Soo saaristii World Wide Web (WWW) ee bishii Maarso 12, 1989, waxay dhalisay in Internetka qof kasta uu si sahlan u adeegsado,  wax ku qoro, ku ganacsado, ku siyaasadeeyo, wax ku barto iwm. Waxaa bilaabatayhoraankii 1990-gii khaasatan  1994/95 in shirkadihii ugu horeeyey ee ku dhisan online ay bilowdaan oo ay samaysmaan sida shirkada weyn ee Amason, E-bay iwm, isla markaasna  ay hirgasho in lacag laga sameeyo Internetka iyo dhaqaale.  Waxaa kaloo iyana bilowday in shirkadaha caadiga ahaa ee horey u jiray, laamaha dowladda iyo cidkasta ay samaysato boggag Internet oo ay fariimahooda ku soo gudbiyaan iyo ganacsigooda, fikirkooda, waxqabadkooda, ra’yigooda, siyaasadooda iwm.

Shirkadaha maanta caalamka ka jira intooda badan waxay leeyihiin boggag internet oo iyaga u gaar ah, hadey ahaan lahaayeen kuwa guud iyo kuwa si khaas ah loo leeyahayba. Waxaa kaloo soo baxay shirkado ku dhisan Internetka oo ganacsi ka sameeya sida Amason.com, www.google.com, www.yahoo.com, ww.paypal.com,  www.e-bay.com www.alibaba.com , iwm.

Shirkado kale ayaa jira oo iyagana Internetka ka ganacsada maaliyad badanna ka sameeyey iyaga oo u muuqda inay bilaash yihiin sida www.facebook.com, www.twitter.com iyo kuwa  kale  oo badan . Waxaa intaa sii dheer kuwa kale oo badan ayaa jira oo xiriir internetka la leh sida What’s up, Instagram  oo inta badan mobile ka ku shaqeeya iwm.

W/Q: Siyaad Cali Yuusuf

Garoowe, Puntland