Khilaafka iyo Maarayntiisa

Maadaama aynu nahay noole u hoggaansan cawaadifta naftiisa, ayna u dheertahay anaaniyadda iyo anaa iridu, wax lala yaabo maahan haddii aynu iskhilaafno ama ba ismaandhaafno. Khilaafku, sidiisa ceeb iyo mushkilad midna maahan, ee waxaa ceeba in aan khilaafka la maarayn karin oo uu marka dambe addin-ka-hadal iyo uur-collow uu midkood u xuubsiibto. Dhanka kalana khilaafku waxa uu qayb ka yahay nolosha aadanaha sida uu Qur’anku inoo sheegayo: ” haddii uu Alle doono dadka oo dhan waxa uu ka dhigi lahaa hal ummada, ka suuli maayaan dadku in ay is khilaafayaan, in loo naxariistay mooyee, waana sidaas sida loo uumay” Huud 118.

Asbaabta khilaafka.

Haddii aad aragto bulsho ama ashkhaas uu khilaaf ka dhex aloosan yahay, waa in aad ogaataa jiritaanka labo ammuurood oo khilaaf kaas bari-taaraya. Kow, mukhaalifiintu waa hawl-wadaag, hanti-wadaag ama xil-wadaag. Labo, waxaa jira bay’ad uu khilaafku ku tabargalo kuna barbaaro oo ah meesha aan had iyo khawf toona oolin, ee sida xorta ah afkaarta loo cabiri karo. Haddii labaadaan ammuurood aanay jirin khilaaf ma yimaado. Meesha aan hawli ka socon ama aan masuuliyadda loo sinayn la is kuma maandhaafo. Sidoo kale meesha afkaarta iyo aaraada ba hal qofi leeyahay cidna iskuma khilaafto, ee waxaa ka jira xeerkii Fircoon ee ahaa” idiin ma arko aragti aan tayda ahayn idinku na hoggaamin maayo hilin aan toosnayn” Qaafir 29

Amminta khilaafka

Haddii aad si dhow ugu fiirsato khilaafyada gala maashaariicda cusub ee markaa la amaamudo sida: hay’ad siyaasadeed oo wadaag ah kolkaas na la dhisay ama jiritaan ganacsi oo la wada leeyahay oo dhawaan la yagleelay amaba reer cusub oo markaa udubkiisa la taagay, waxa ugu horeeya ee kuu soo baxaya ayaa ah in khilaafyadaan badankoodu ay dhacaan juska koobaad ee xilliga amaamudka. Inta badan dan-wadaagta wax isku darsataayi ama ashkhaasta masuuliyad-wadaaga noqotaayi, waa dad aan horay wax isugu jiri jirin.

Kolka ugu horaysa ee ay caqabadi timaado ama uu culays ku yimaado masuuliyad-wadareedkii la qaaday, ayaa markiiba waxaa abuurma khilaaf ka dhasha is hardanka dhexmara qiyamkii,afkaartii,dabeecadihii iyo akhlaaqiyaadkii kala gadisnaa ee ay dan-wadaagtu horay u lahayd. Sidaas daraadeed ayaa dantii guud waxa ay noqotaa masrax u furan hardanka ka dhaxeeya afkaarta qalaad ee aan wali sida quman isula qabsan. Nasiib daro, hay’adahani badankoodu waxa ay burburaan sanadka koobaad ama labaad ee yagleelka, haddii aan la maarayn khilaaf kooda.

Kobaca khilaafka

Waxaa jira ammuuro dhawra oo inta badan cayiliya ama bulaaliya is maandhaafka. Waxaana ka mida: Kow khilaafka oo aan la aqbalin ama lala diriro. Labo, qofka mukhaalifka ah oo ay ka xoog badiso caadifadda naftiisu una diiddo inuu si xayaabo tiran u arko maslaxaddiisa. Saddex, mukhaalifka oo hal ookiyaale oo uu isagu leeyahay wax ku fiiriya, dhagahana ka furaysta dhagaysiga doodda dhanka kale. Afar, Mukhaalifiinta oo inta badan isku khalda mawqifka ay ka taagan yahiin khilaafka iyo maslaxaddooda rasmigaa. Mawqif kaagu waa meesha aad ku dhagan tahay laakiin maslaxaddaadu waa danta rasmigaa ee aad leedahay. Tusaale: xilligii khilaafkii 4.5 mawqifka Puntland waxa uu ahaa inaan dib loogu noqon 4.5, laakiin maslaxaddeeda rasmigaa waxa ay ahayd kasbasho kuraas dheeraada(aqalka sare). Kolkii ay heshay maslaxaddeedii way ka tanaasushay mawqif keedii. Shan, khilaafka oo aan ku koobnaan dadka is haya oo kaliya. Lix, jiritaanka cid doonaysa in ay cadka kaligeed cunto ama ciidayso.

Dhaxalka khilaafka.

Inta uu khilaafku yahay kala aragti duwanaan la xiriirta aaraada mukhaalifiinta wax ceeba ma lahan, haddaan loo yeelin. Siddii aynu horay ba u soo sheegnay, meel walba oo hawl lagu hayo, xoriyad qawl na ka jiro waa khasab in la isku maandhaafo aaraada. Laakiin haddii la maarayn waayo kala duwanaanshaha ra’yiga, kolkaas khilaafku waxa uu isu baddalaa uur-collow. Haddii la maarayn aqoon waayo uur-colloga na waxa uu u xuubsiib taa adin-ka-hadal oo ah meesha ay dan-wadaagtu ku kala bayrto dalkuna ku burburo. Qur’anku mar kale ayuu leeyahay sidan: ” ha murmina( muranka uur-collowga) waad fashilaysaane awooddiinuna way taagdarraynaysaa’e.”Anfaal 46. Sida aayadda ka muuqata, labada xanuun ee laga dhaxlo ismaandhaafka maamulka ku salaysan waa fashil oo ah failed state iyo taagdarnaan oo ah fragile state waana labada magac ee ay maanta inoogu yeeraan.

Maaraynta khilaafka

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa maan rag waa mudacyo afkood, wayna adag tahay in labo mudac afkood laysku beego. Haddii ay adag tahay in laba mudac afkooda la isku beego, waxa aan adkayn in mudacyada mudaal kooda la iska ilaaliyo. Haddaba si aanay mudacyadu inoo mudin, waa in aynu qaadnaa tilaabooyin inaga ilaalin kara mudaal kooda, waxaa na ka mida:

Kow, waa in aynu khilaafka aqbalnaa lana noolaanaa.

Labo, waa in khilaafka loo sii diyaar garoobaa imaatin kiisa, maanka na lagu sii hayaa dhicistiisa. Maahan in la naco ama laga naxo.

Sadex, waa in aan awoodda laga qaadin hay’adaha khikaafka lagu xaliyo.
Afar, waa in laga fogaadaa dhaqamada khilaafka u badali kara uur-collowga ama gacan-ka-hadalka, sida: cabburinta, caga juglaynta iyo amar ku taaglaynta. Shan, waa in laga waantoobaa siyaasdda ku dhisan guul-kaliyeedka, oo aan qaadannaa midda ku dhisan guul-wadareedka. Lix,qodobka ugu muhiimsan ee khilaafka maamulka lagu xaliyo waa tanaasul.

Tanaasulku, waxaa weeye inaad ka tanaasusho fikir kaaga oo aad ogtahay in uu yahay midka saxda ah, adiga oo u tanaasulaya ra’yiga kaa soo horjeeda oo aad ogtahay in aad ka saxantahay, si aysan u burburin maslaxadda guud ee idinka dhaxaysaArintaanwaxaa yeeli kara oo kaliya, hayinka biyo ma daadshaha ah ee og masuuliyadda saaran. Ma yeeli karo layliga buubaaga ah ee dida kolka ay qaalimada kale didaan.

Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi