Soomaalidu: Ma nidaam hagaagsan bay la’ dahay mise hogaan wanaagsan?

GOGALDHIG: Wixii ka dambeeyey doorashadii iyo dhismihii dawladdii carta, ummadda soomaaliyeed waxa ay dareemaysey rajo dawladnimo iyo sansaan dib u dhalasho, kadib markii ay meel iska dhigeen toban sano oo ku suntanayd inay yihiin dad aan waxba ku heshiin karin. Laga soo bilaabo dhismihii dawladdii Cabdiqaasim Salaad illaa iminka, dalka waxaa soo maray shan madaxwayne iyo labo iyo toban Raysal wasaare. Iyada oo dhanka kalana la doortay tobaneeye madaxda goboladaa.

Waxaa jira labo fal-celis oo ay madaxdani shacabka soomaaliyeed kala kulmaaan marka ugu horaysa ee la doorto iyo dhamaadka kolka ay kursiga banaynayaan. Waa midda koobaade waxaa loo soo dhaweeyaa si xad-kabaxa oo aan innaba waaqica ku salaysnayn. Tan labaadina waxaa weeye in wax yar kabacdiba loo naco si xad-kabaxa oo aan waxba la xeerinayn. Haddaba su’aasha muhiimkaa waxaa weeye ma hoggaanka soomaaliyeed baa ah mid ka aradan hoggaaminta suuban mise xaaladaha qalafsan ee ina ku xeeran ayaa sabab u ah fal-celiska shacabkeena?

Waxaan aaminsanahay in badan oo ka mida hoggaanka dalkeenu in uusan ahayn mid ku habboon inuu hoggaamiyo dal iyo dad sideenna oo kale u fashilay, ayna ku yartahay dabeecadihii laga rabay hoggaamiyaha xiliga adag. Waxaa laga yaabi lahaa haddii ay is tijaabin lahaayeen xilli aan mid kaan ahayn in shacabku fal-celis midkaan ka duwan ka keeni lahaa.

Laakiin ujeeddada qormadaydani ma ahan mid ku saabsan hoggaanka. Mana ihi mid hoggaamiyayaasha eedda dusha u saaraya. Ee waxaan doonayaa in aan iftiimiyo in waxa inaga maqani ee koobaadi aysan ahayn hoggaan suuban oo keliya ee ay tahay: qaranimo, dawladnimo, sharci, kala dambayn, iyo amaan la’aan baahday.

Meel aysan in taasi qumaati uga shaqaynayna way adagtahay in hoggaanku uu noqdo mid hagaagsan. In la helo nidaam isku dubaridan oo si waafiya u shaqaynayaa maahan wax ku yimaada habayn iyo maalin, ee waa geedi- socod qaata sannado badan sabirna u baahan. Sidaas daraadeed waxaa jira ummuuro waawayn oo aan looga maarmayn ka mira-dhalinta geedi socodkaas. Waxaana ka mida.

QARAN-DHISID. (NATION BUILDING)

Qaran waxaa la yiraahdaa dallad kulmisa ciid, calan iyo caddad dad ah oo uu ka dhaxeeyo af, dhaqan, xeer, hidde, qiyam iyo taariih. Qarannimadu waa wax ka guda wayn dawladnimada, waana suufka iyo xanjada bulsho isku haya. Maxaa yeelay waxa ay tilmaantaa waxa ka dhaxeeya bulshadaas oo ah taariikh ay wada leeyihiin iyo dhaqan iyo xeer soo jireena oo ay u nasab sheegtaan. Nasiib daro waxaa jira waddamo aysan u fududaan inay dhistaan qaran sal-adag leh. Maxaa yeelay waxaa kala gaddisan qoomiyadaha ku nool, afafka looga hadlo iyo diimaha laga haysto, meesha ay jiraan kuwa kale oo xal u helay mushkiladda kala gaddisnaanta, seeskana u dhigay qaran sal-balaaran oo ay u nasab sheegtaan. Qarannimada ayaa ah middda beerta waddaniyadda iyo jacaylka ay ummadi ciiddeeda iyo calankeeda u hayso. Meesha aysan qarannimo jirin dadku waxay u nasab sheegtaan wax ka hooseeya qaranka sida qoomiyad, qabiil ama gobol.

Waxaa la yiraahdaa dawlad-dhisidda waxaa saldhig u ah siyaasiyiinta laakiin qaran-dhisidda waxaa laf-dhabar u ah bulshada rayidkaa sida: Culuma’udiinka, Abwaaniinta, suugaanleyda, Indheer-garadka, iyo Odoyaasha dhaqanka. Maxaa yeelay qarannimada amase wadaniyadda ayaa ah wax qalbiga bani-aadamka ku abuurma. Waxaana muhiim ah in qalbigaas la saameeyo.

Soomaaliya qaran-dhisideeda waxay bilowday toban iyo toddoba sana ka hor dawlad-dhisiddeedii. Dhaqdhaqaaqii SYl ayuuna ahaa ciddii ugu horaysey ee aasaaska u dhiqtay qaran-dhisidda soomaalida. Iyaga ka horna maanay jirin cid u nasab sheegan jirtey magaca Soomaali.

Dadku waxa ay u nasab sheegan jireen reerahooda, magaalooyin kooda ama dariiqooyin koodii diiniga ahaa. Taas ayaa waxaa lagu badalay soomali-wayn, axyaa-wadani, Maandeeq oo loo bixiyey gobannimadeena iyo Soomaaliya ha noolaato oo halkudhag looga dhigay qarannimadeena. Abwaanka iyo suugaanleyda soomaaliyeed ayay ahaayeen ciddii fikir kaan ka gadaysey ummadda soomaaliyeed, qalbigoodana waddaniyadda ku beertay. Hadraawina waa tii uu lahaa isagoo arintaas tilmaamaya “Xamar iyo Hargaysaba gudin iyo hangool iyo heellaa xoraysee, wallee hoobalkoon jirin libin sooma hoyateen”.

Nasiib daro qaran-jabkeenuna waxa uu bilowday dhawr iyo toban sano ka hor intii aysan dawladnimadu inaga burburin. Sababta oo ah dalkii ayaa mar horaba u kala furfurtay jamhado jifiyo ku dhisan iyo qabaa’il is gaashaan buursi ku dhisan. Waxaa meeshii ka baxay qarannimadii iyo magacii waynaa ee ina kulminayey. Wixii ka dambeeyey burburkiina waxa aynu dib ugu noqonay meeshii aynu joognay qarni ka hor oo ahayd u nasab sheegashadii qabaa’isha iyo reeraraha. Waxaa tusaale kuugu filan sida ay maanta u adagtahay in la dhisio ciidan qaran. Maxaa yeelay waxaa maqan qaran kii lahaa ciidanka. Inta aynu sidaas nahayna waa adagtay inaynu dawlad iyo ciidan dhisid midna ku guulaysano maxaa yeelay qaran-dhisidda ayaa asal u’ah labada ba.

DAWLAD-DHISID. (STATE BUILDING)

Dawlad waa nidaam siyaasiya oo ay bulsho ka yagleesho buqcad mucayana si ay u xaqiijiso himilooyinkeeda aasaasigaa. Inkasta oo siyaabo kala gadisan iskuna dhaw loo qeexo dawladnimadda, haddana qeexista ugu wanaagsan waxaa leh ayay yiraahdaan Max Weber oo ahaa xeel-dheere iyo bulsho- yaqaan Jarmala. Wuxuuna yiri ” dawladi, waa cidda keliya ee leh awoodda baas-abuur( monopoly on voillence) ee sharcigaa ee kaligeed ka fusha buqcad mucayana” taas oo micnaheedu yahay waa cidda keliya ee si sharciya wax u dili karta, u xiri karta ula wareegi karta, una cafiyi karta. Haddii awoodahaan ay cid kale fuliso amaba ay cid kale fulin tooda dawladda la wadaagto si fudud meeshaas dawladi kama jirto, qeexida Max Weber. Dawladi waxa ay ku timaadaa labo sifo midkood uun. Sifo xooga ama heshiis bulsho. Sikasta oo ay ku timaadaba ujeedada laga leeyahay waxaa weeye inay xaqiijiso himilooyinka aasaasigaa ee aanay koox, jifo ama qabiil kaligood xaqiijin karin. Sida: amaanka, caafimaadka, ilaalinta deegaanka, waxbarashada, caddaaladda iyo saraynta sharciga.

Haddaba su’aasha xiisaha lihi waxaa weeye dawladaha inoo dhisani ha ahaadeen maamul gobaleedyo amaba fadaraale ma leeyihiin sifadii dawladnimada? Haddii aysan lahaynse ma fulin karaan himilooyinkii aasaasiga ahaa? Awoodda baas-abuurka (monopoly on viollence) ma iyagaa leh mise cid kalaa la maamusha? Sida: hoggaamiyayaal dhaqameed, horjooge maleeshiyaad qabiil, ganacsade burbur ku naaxa ama hoggaamiye siyaasadeed hore. Haddii aynu fahano jawaabtu inay tahay inaysan kaligood awoodda lahayn, way adagtahay inaynu qof ama labo hoggaana ku eedayno wax qabad xumo iyo inuusan meeshii laga rabey reerka urarin. Dawladi si ay u fuliso himilooyinka aasaasigaa waa in ay ka koobnaataa hay’ado dawliya oo u heelan kana turjumaya micnaha ay u jirto.

HAY’ADAHA DAWLIGAA. (INSTITUTIONS)

Si looga guul gaaro himilooyinka aasaasigaa ee ay dawladi u jirto sida amaanka,caddaaladda, caafimaadka iyo waxbarashada, waxaa lagama maarmqana in ay dawladdu ka koobnaato hay’ado ama laamo dawliya oo is dheeli tiraya, una heelan ka guul gaarista hadafka iyo yoolka la hiigsanayo. Hay’adaha dawligaa ama institutionsku waxay hay’ad noqon karaan markii laga helo afar taan tilmaamood, sida uu qabo Samuel Hantington oo ahaa caalim ku xeel dheeraa siyaasadda iyo dhismaha dawligaa.

1– Waa in hay’aduhu yihiin kuwo daa’ima ee aysan ahayn kuwo cimri gaaban, ama ciddii dhistaba aan ka dambayn.

2– Waa in qaab dhismood koodu yahay mid cajiiba oo sal-ballaran ee uusan ahay mid fudud oo aan miisaan lahayn, tusaale ahaan waa inay ka kooban yihiin qaybo, hoggaamo, talisyo iyo laamo ay hawl iyo hadaf ka dhaxayo

3– Waa inay kala madax banaanyihiin cid walibana ay hawsheeda u wadataa qaab ay iyadu masuuliyadeeda leedahay xumaan iyo samaanba.

4– Waa inay yihiin kuwo isku hadaf fulinaya kana turjumaya himilooyinka guud ee la hiigsanayo ee aysan ahayn kuwo iska soo horjeeda oo iyagu is raad guraya.

Meelaha aysan hay’adahoodu noocaan u qaabaysnayn inta badan waxaa ka dhisan dawlado daciifa oo aan xaqiijin karanin himilooyinkii loo unkay. Meelaha aanay dawladi ka jirin amase dawladnimada lagu fashilayna way adagtahay in hay’ado noocaan ahi ay ka hirgalaan. Dalkeenuna waxa uu kamid yahay meelaha aanay dawladi jirin sidaynu horayba u qeexnay. Marka mar labaad ayaynu cod dheer ku leenahay mishkiladda ina haysaayi hoggaan xumo keliya ka wayn.

GUNAAANAD

Qormadaan nuxurkeedu maahan in hoggaanka soomaaliyeed uu yahay mid duruufta iyo xilligu ka hiiliyeen ee aan isagu wax dhaliila lahayn. Maahan taas nuxurka uu xanbaarsanyahay qoraalkani. Ee waa iftiimin iyo bayaamin ku saabsan in mushkiladda ina haysaayi ka gudawayntahay caadifad jacayl ama nacayb oo hoggaamiye gooniya loo hayo. Laakiin taas baddalkeede dhibaatadeenu waa qaran la’aan, dawlad l’aan, sharci la’aan iyo hay’ado la’aan.

Dhismaha qaran iyo dawlad-dhisiddu maahan wax ku yimaada fudayd iyo muddo kooban toona. Yurub oo la sheego inay tahay meeshii ugu haraysay ee uu ka hirgalay nidaamka dawladda casrigaa (modern state) ee maanta caalamka ka jira, waxay u soo martay dawlad dhisideedaas jid aad u dheer oo ay ku xeer naayeen daruufo qalafsan iyo qalalaase joogtaa. Waxaana isu soo badalay marxalado qalafsan oo mid waliba xilligeedii soo qaadatay. Sida; Imbaradoorado, boqortooyooyin, kacaano, kaligood-taliyayaal, dagaaalo ahliya, kuwo goboleed, kuwo qaaradeed, kuwo caalamiya iyo ugu dambayn dimuquraadiyadda oo ah nidaamka ay iminka ku dhaqamaan.

Inkasta oo aynu ku jirno dhabihii dib u dhalashada, aynuna ka fiicanahay meeshii aynu joognay toban sano ka hor, haddana faanoole fari kama qodna. Waxaa la yiraahdaa dal burburay inuu ku soo noqdo meeshii uu joogay xilligii uu burburay waxay ku qaadataa konton sano, inuu gaaro dawladihii uu la socday kolkii uu burburayna, waxay ku qaadataa boqol sano. Cid walba oo aaminsan in magaca iyo qalfoofka dawladnimo ee aynu leenahay iyo qaab xulashada hogaankeena dimuquraadiyadda ku dhisan ee heer gobol ilaa fadaraal aynu dawalad siyaado leh (sovereign state) ku noqonayno, innaga oo wali ku sugan xaaladdii aynu soo sharaxnay, waa cid maalin cad un riyoonaysa.

 

Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi