Qaar kamid ah murashixiinta oo soo dhoweeyay Baarlamanka cusub ee Puntland

Qaar kamid ah murashixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 8-da Jennaayo 2019 ayaa hambalyo iyo bogaadin hawada u mariyay xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Puntland.

Murashixiin ay kamid yihiin; Faarax Cali Shire,Khaliif Ciise Mudan,Siciid Cabdullaahi Deni, Cali Xaaji Warsame iyo Cali Cabdi Awaare ayaa hambalyo u diray xildhibaannada cusub ee Puntland,waxayna ugu baaqeen in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka loo idmaday.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Camey) ayaa isna  bogaadiyay xubnaha cusub ee Golaha wakiilada Puntland,isagoo kula dardaarmay in ay si hufan waajibkooda u gutaan.

PUNTLAND POST