Kulankaan ayaa laga jeediyay qudbado lagu taageerayay lagunasoo bandhigayay waxqbad ee musharax Axmed Karaash, iyadoo lagu tilmaamay inuu kamid yahay wasiiraddii ugu wax qabadka badnaa Puntland, sidoo kale utaagan halganka lagu xoranayo gobolka Sool.
Dhalinyaradii lasoo shaqeyysay musharaxa, ayaa ka sheekeeyay aqoonta iyo shakhsiyada ay uleeyihiin Axmed Karaash, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay masuul ka fog qabyaalad, eex iyo nin jeclaysi, mar walba jecel wasaaradda uu joogo inay ka duwanaanato wasaaradda kale marka loo eego xagga shaqada iyo dhiiri galinta shaqaalaha.
Dhalinyarada ee kulanka ka qeyb galay ayaa farriin udiray xildhibaanada barlamaanka Puntland, iyagoo ka codsaday inay doortaan nin ummada isku wadi kara oo lasoo tijaabiyay waxqabadkiisa.

PUNTLAND POST