Hay’adda Sahan Research oo dalka laga mamnuucay

Madaxa Sahan Research Matt Bryden

Wasaaradda Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday hay’adda Sahan Research oo ay u jeedisay eedaymo ku saabsan waxyeellaynta amniga Qaranka ,xasiloonida iyo midnimada dalka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda oo lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in iyadoo laga duulayo xogo rasmi ah oo hay’adaha amnigu ay soo gudbiyeen shaqada laga joojiyay shirkadda Sahan Research oo sida qoraalka ku xusan uu haatan baaritaan ku socdo dembiyada loo haysto.

Sahan Research ayaa lagu amray in aysan wax shaqo ah dalka ka qaban karin inta uu socdo baaritaanka ku aaddan dembiyada loo haysto,waxaana sidoo kale dhammaam dadkii bah-wadaagta la’ ahaa lagu wargeliyay in aysan wax xiriir ah la samayn karin shirkaddaasi.

Sahan Research ayaa waxaa  madax ka ah nin lagu magacaabo  Matt Bryden oo hore mar loogu eedeeyay in uu been iyo dacaayado ka faafiyo Soomaliya,islamarkaana sannadkii 2012-ka ay dalka ka ceyrisay dowladda Shariif Sheikh Axmed.

PUNTLAND POST