Cabdiwali Gaas oo ku dhawaaqay musharax Puntland 2019

Cabdiwali Gaas oo ku dhawaaqaya Musharax Puntland 2019

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo dhowr jeer oo hore sheegay in uusan hoggaaminta Puntland mar dambe isu soo taagayn ayaa maanta ku dhawaaqay in markale uu u tartamayo doorashada madaxtinimada Puntland ee dhaceysa 8-da Janaayo 2019.

Madaxweynaha Puntland ee wakhtigu ka sii dhammaanayo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadal uu ka jeediyay xafladda ku dhawaaqida musharaxnimadiisa oo Garowe ka dhacday ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaalada Puntland iyo Federaalka .

Xafladda ku dhawaaqida Cabidwali Gaas ee musharax Madaxweyne 2019, ayaa xafladaha kale ee musharaxiinta kaga duwanayd in ay ka qeyb galeen qaar kamid ah isimadda soo jireenka ah ee Puntland, kuwaas oo hadalo ka jeediyay.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shantii sano ee la soo dhaafay hoggaaminayay Puntland ayaa inkasta oo uu wax ka qabtay qaar kamid ah kaabayaasha dhaqaalaha, hadana waxa uu ku fashilmay arimo ay kamid yihiin amniga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Dhanka amniga ayaa xukuumadda Gaas ku fashilantay in ay wax ka qabato, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo lagu dilay sanadihii la soo dhaafay dad badan oo isu jira masuuliyiin dowlada ah iyo shacab, sidoo kale waxaa qaybo kamid ah gobolka Bari marayaa in dagaalo ku dhexmaraan ururada Daacish iyo Al-shabaab.

Caqabadda ugu wayn ee Cabdiwali Gaas haatan hortaagan ayaa ah, taariikh aan gayiga Soomaaliyeed horay uga dhicin, ayna adagtay in uu jabiyo, taas oo ah in Soomaalidu waligeed hoggaamiye labo goor dooran.

Doorashada Puntland 2019 marka la barbar dhigo labadii doorasho ee ka horeeyey ayaa ah inay ka xamaas iyo xasrad yartahay, marka laga reebo khilaafkii Gaas iyo Camey oo ugub ahaa.

F.G: Ballan-qaadyo uu horey u sameeyay Madaxweyne Gaas oo aan fulin

Madaxweyne Gaas shan sano waa igu filan tahay  July 2018, Brussels

Madaxweyne Gaas “dagaalkaygii waa khasaaray hadaan doorasho qof iyo cod ah dhicin 2019” October 2014, London.

Cabdiwali Gaas “Laascaano faataxo laguma qabsan, faataxana ku soo noqonmayso” January 2014, Garowe

PUNTLAND POST