Xildhibaannada Baarlamaanka DF ee kasoo jeeda Koonfur-galbeed oo soo saaray Baaq

Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Deegaannada Koonfur-galbeed Somalia, yaa baaq kasoo saaray xaaladda ka taagan Koofur Galbeed, gaar ahaan doorashada la filayo inay ka dhacdo Baydhabo.

Kulan xildhibaanadani ku yeesheen Muqdisho ayay uga hadleen xiisadihii u dambeeyya ee ka dhacay Baydhabo, waxayna soo jeediyeen in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Koonfur-galbeed, inta heshiis siyaasadeed laga gaarayo

Haddaba,a Hoose ka AKHRISO War-saxaafadeed ay soo saareen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee Digil-Mirifle:

Shir deg-deg ah oo xildhibaanada Digil-Mirifle ay ka yeesheen Xaalada Cirka isku sii shareeraysa ee ka taagan Koofurgalbeed Soomaaliya taas oo ka dhalatey Faragelinta qaawan ay Dowladda Federaalka ku heyso Doorashada Madaxweynaha KGS iyo sidoo kale xadgudbyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, Dastuurka Dalka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

Sidaas darteed Xildhibaanada waxay soo saareen War saxaafadeedkaan:

  1. Ugu horeyn Waxaan Tacsi tiraanyo leh u direynaa shacabka Koofurgalbeed geeridii ku timid Xildhibaan Cabdishakuur Yacquub Ibraahim, Alla ha u naxariistee oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga Amniga ee Baarlamaanka Dowlad-goboleedka KGS iyo sidoo kale shacabkii sida aan kala sooca lahayn loogu xasuuqey magaala Baydhabo iyagoo dhigayaa banaanbaxyo nabadeed oo ay ku muujinayaan Shucuurtooda iyo Xaqa ay u leeyihiin in ay cabiraan Ra’yiga iyo afkaarta si ay usoo bandhigaan afkaartooda ku saabsan cida ay ku aamini karaan Masiirkooda Siyaasadeed taas oo ah xuquuq Dastuuri ah oo Dastuurka federaalka soomaaliya siinayo Muwaadininiinta Soomaaliyeed.
  2. Waxaan si adag u cambaareyneynaa afduubkii loo geystey Musharax Madaxweyne Mukhtaar Roobow Cali oo ah Muwaadin Soomaaliyeed taasi oo 13/12/2018 ay ciidamada AMISOM- Sector 3 gaar ahaan Ciidamada Ethiopia ka soo afduubeen xarunta Madaxtooyada Koofurgalbeed ee Magaalada Baydhabo iyagoo ku soo wareejiyey Gacanta Hey’adda NISA. Sidaas awgeed Waxaanu shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan Shacabka KGS ee xad gudubka loogeystayba u cadeyneynaa in afduubkaasi uu yahay sharci daro iyo xadgudub loo geystey dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaanna shacabka koofurgalbeed Waxaan sidoo kale ku boorineynaa cidkasta oo ku lug lahayd falkaasi in ay ka waan toobaan in ay kula kacaan falal sharci daro ah muwaadiniinta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba.
  3. Waxaan sidoo kale cambaareyneynaa Ciidamada AMISOM- Sector3 gaar ahaan Ethiopia falka ay ku kaceen ee ah ku milmidda iyo Faragelinta siyaasadda gudaha Soomaaliya gaar ahaan Koofurgalbeed, iyo sidoo kale xadgudubka iyo falalka hubeysan ee ay kula kaceen Muwaadiinta reer Koofurgalbeed taas oo isagu jirta afduubka iyo rasaas nool oo lagu furey shacabka mudaaharaadayey si ay u caburiyaan.

BAAQA XILDHIBAANADA:

Xildhibaanada ka soo jeeda Qowmiyadda Digil iyo Mirifle ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliyeed waxay soo jeedinayaan qodobadan soo socda:

  1. In la ilaaliyo Sareynta sharciga iyo ku dhaqankiisa isla markaana loo hoggaansamo lana aqbalo Dalabkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Golaha Odayaasha Dhaqanka KGS, Xubnaha Aqalka Sare ee ka soo jeeda Koofurgalbeed Dalabaadkaasi oo ahaa in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed si loo ilaaliyo Maslaxada caamka ah, Danaha qaranka , midnimada iyo isu uurfayoobaanta shacabka soomaaliyeed islamarkaana loo helo jawi deggan oo saamixi kara doorasho xor iyo xalaal ah.
  2. In laga wada shaqeeyo sidii lagu suurtagelin lahaa heshiis siyaasadeed oo dhameystiran oo keeni karta xal ka gaaridda doorasho ay ka wada qaybgalaan dhamaan musharaxiintii shahaadooyinka qaatey.
  3. In la soo daayo dadka sida sharci darada ah lagu xirey iyagoo gudanaya xuquuqooda Dastuuriga ee uu u fasaxayo Dastuurka JFS.
  4. Waxaan ugu baaqeynaa Shacabka Koofurgalbeed in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida iyaga oo ku dhaqmaaya Qod. 20aad ee Dastuurka JFS oo u fasaxaya in ay ka qaybqaadan karaan, abaabulan karaan banaanbaxyo nabadeed oo ay ku cabirayaan dareenkooda iyagoo aan cidna uga baahneyn in ay ogolaasho ka helaan. Shacabka waxa aanu Xasuusinaynaa Xigmada “tiraahda libaax ninganey iyo nin galaday labadaba og” Maalinbaa soosocota Insha Allah aad qalinkiina ku codeysaan oo aad si cad codkiina ugu garab istaagtaan cidii idinka mutaysata.
  5. Waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqeynaa in ay joojiyaan cadaadiska iyo caga-jugleynta ay ku hayaan Guddiga Doorashada, Madaxda kumeel-gaarka ah ee maamulka iyo Xildhibaanada Baarlamanka Koofurgalbeed taas oo xadgudub ku ah xoriyaddooda Dastuuriga ah.
  6. Ugu danbeyn Xildhibaanadu waxa ay si mug iyo miisaanleh ugu mahad celinayaan qofkasta oo soomaaliyeed oo damiirkiisu ka xumaaday, kana damqaday tacadiga lagula kacay bulshada reer KG. Shacabka reer koonfur galbeed, waa ay idiin ogyihiin abaalkiina. Waxaanu sidoo kale u mahadcelinaynaa hay’adaha Xuquuqul iinsaanka, iyo guud ahaanba xubnaha beesha caalamku jawaabihii ay ka bixiyeen dhacdooyinkii foosha xumaa ee lagula kacay bulshada KG.

PUNTLAND POST