Daacish iyo Al-shabaab oo isku’laayay gobolka Bari

Qoraal Axaddii shalay ka soo baxay kooxda Daacish oo lagu faafiyay wakaaladda taabacsan ee Amaq News, ayaa lagu sheegay malayshiyaadkoodu weerar ku dileen 14 xubnood oo ka tirsan kooxda kale ee Al-shabaab.

Malayshiyaadka Daacish waxay sheegeen, in dagaal-yahannadoodu ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku’ uruursanayey degaanka Miiraale oo koonfur galbeed kaga beegan magaalada Qandala ee gobolka Bari,kuwaasoo diyaarinayay weerar ay ku soo qaadan fariisimaha Daacish,sida qoraalka loo dhigay.

Qoraalka lagu daabacay wakaaladda Amaq News Agency,wuxuu intaa raaciyay  in Al-shabaab weerarka looga dilay 14 xubnood,qaar kalena looga dhaawacay,islamarkaaana laga furtay hub iyo saanad kala duwan,balse aysan wax khasaare ah soo gaarin dhinaca Daacish.

Bishii hore, kooxda Daacish ayaa soo saartay digniin ku socota  malayshiyaadka kale ee argagixisada Al-shabaab oo ay ku eedaysay ugaarsi ka dhan ah, xubnaha Daacish ee ku sugan koonfurta Soomaaliya,waxayna ku hanjabtay in ay ka aar’gudanayso.

 

PUNTLAND POST