Xildhibaannada mucaaradka ah oo Warqad cabasho ah u diray Xukuumadda Itoobiya

Muqdisho (PP) ─ Xildhibannada mooshinka ka keenay Madaxweynaha DF ayaa warqad u diray Dowladda Itoobiya si ay u caddeyso mowqifkeeda ku aaddan kaalintii ay ciidamadeeda jooga Somalia ku lahaayeen hawl-galkii dhawaan lagu qabtay Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur  iyo in loosoo gudbiyo Magaalada Muqdisho.

Warqaddan ayaa waxaa si toos ah loogu diray danjiraha Itoobiya u jooga Soomaaliya, Jamaaluddiin Mustafa Cumar, iyadoo la ogeysiiyay Wasiiradaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya, Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika u jooga Soomaaliya, danjirayaasha Maraykanka iyo Britain u jooga Soomaaliya.

Mudanayaashan ayaa qoraalkooda ku muujiyay in ergayga Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Francisco Madeira War-saxaafadeed uu  Muqdisho kasoo saaray uu ku sheegay inaysan Ciidamada AMIISOM wax lug ah ku lahayn xariggii Mukhtaar Roobow iyo dhacdooyinkii ay dadka rayidka ah ku geeriyoodeen ee ka dhaca Baydhabo.

Sidoo kale, Xildhibaannadan ayaa Xukuumadda Itoobiya ka codsadeen inay caddeyso kaalintii ay ciidamadeeda jooga Baydhabo ku lahaayeen xariggii Roobow iyo shaqaaqadii khasaaraha badan dhalisay ee Baydhabo ka socotay dhawrkii casho ee lasoo dhaafay.

Dhanka kale, Xildhibaannada ayaa qoraalkooda ku xusay in goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ay xaqiijiyeen in ciidamada Itoobiya ay ku lug lahaayeen Hhwl-galkii lagu xiray Mukhtaar Roobow.

Ugu dambeyn, Qoraalka xildhibaannadan ay soo saareen waxaa ku saxiixnaa afhayeenka xildhibaanadan ah ee la magac baxay Badbaado Qaran NSC, Dr. C/fataax Ismaaciil Daahir.

PUNTLAND POST