Mukhtaar Rooboow oo la shaaciyay inuusan ka qayb-geli doonin Doorashada K/Galbeed

Baydhabo (PP) ─ Guddiga Doorashada Maamulka Koonfur galbeed oo goor-dhaw warbaahinta kula hadlay Baydhabo, ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uusan ka qayb-galayn doorashada dhici doonta 19-ka bishan taasoo lagu soo xulanayo madaxeynaha cusub ee maamulkaas.

Xubno ka tirsan guddiga doorashada ayaa sheegay in Mukhtaar Rooboow uu dhameystiray dhammaan hab-raacii doorashada, balse ay ku dheggan tahay Dowladda Federaalka Somalia, isla markaana nin maqan aanu ka qayb-geli karin tartanka doorashada.

Hadalka Guddiga Doorashada KG, ayaa imaanaya maalmo kaddib markii la xiray Mukhtaar Roobow oo ku sugnaa Baydhabo, iyada oo sheegtay inuu faraha laga galay arrimo ka baxsan heshiiska uu la galay Dowladda Somalia.

Xukuumadda Somalia ayaa horay cadaadisyo ugu saartay Mukhtaar Roobow si uu uga haro doorashada, balse taas wuu ka dhego-adaygay, iyadoo Reer Koonfur-galbeed ay muujiyeen inay ku kalsoon yihiin Roobow ayna u dooran doonaan madaxweyne.

Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in musharraxiinta kale ee isugu soo haray doorashada ay maanta jeedin doonaan khudbadahooda, waxaana la sheegay in maanta la dhageysan doono khudbadaha dhawr musharrax.

Musharraxiinta khudbadahooda maanta la dhageysan doono ayaa waxaa ka mid ah; Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Xuseen Cismaan Xuseen iyo Ibraahim Macallin Nuunow, halka xildhibaannada harayna khudbadahooda la dhageysan doono maalinta berri ah.

Ugu dambeyn, Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay u ogolaan doonto Mukhtaar Roobow inuu ka hadlo rajadiisa doorashada la filayo inay toddobaadka soo socda ka dhacdo Baydhabo.

PUNTLAND POST