Dowladda Soomaaliya oo markii ugu horreysay shaacisay tirada guud ee ciidamada Xoogga

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaacisay tiradda ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalla gudaha Soomaaliya, kuwaasoo u diwaan-gashan Dowladda Federaalka ah.

La-taliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo, Cabdi Siciid Muuse Cali ayaa sheegay in ciidamada u diiwaan-gashan dowladda Soomaaliya ay tiro ahaan gaarayaan 9,000 oo askari.

Cabdi Siciid, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya muddadii ay xilka haysay ay horumar wanaagsan ka sameysay dhismaha ciidamada Xoogga Dalka, isla markaana ay wali socdaan dadaallada lagu dhisayo ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale, La-taliyaha ayaa xusay in sagaalka kun ee Askari ay leeyihiin xisaabaadyo Bangi, isla markaana ay si joogto ah u qaataan mushaarkooda, taasoo uu sheegay inay wax weyn ka bedeli doonto shaqada ciidamada.

Dhanka kale, Hadalka La-taliyaha ayaa yimid kaddib Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay sannadkii lasoo dhaafay AMISOM ku amreen inay dhimaan ciidamada Soomaaliya, amnigana ku wareejiyaan ciidamada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Hadalka mas’uulkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli dhwar jeer oo hore la sheegay inaysan jirin tiro sugan oo ciidamada xoogga dalka ay leeyihiin, ayna jiraan askari laba ciidan mushaar ka qaata oo qaarkood la xiray.

PUNTLAND POST