Waa Maxay Mowqifka ay Beesha Caalamku ka qabto Rabshadaha ka Aloosan Baydhabo?

Muqdisho (PP) ─ War-saxafaadeed ay dowladaha caalamka iyo ururadda wada-shaqeynta la leh Dowladda Soomaaliya soo saareen ayay ku sheegeen in ay ka walaacsan yihiin dhacdooyinka ka socda dowlad-gobaleedka Koonfur-galbeed, iyagoo Tacsi u  diray geeridii xildhibaankii ka tirsanaa baarlamanka maamulkaas iyo dadkii kale ee ku geeriyooday qalalaasha Baydhabo ka socda.

Warbixinta Beesha Caalamka ayaa lagu xusay inaad u cambaareynayaan dhammaan qalalaase kasta iyo falalka kale ee sii xumeyn kara xaaladda samafalka aadminimo ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Beesha Caalamka waxay hoosta ka xariiqday in loo baahan yahay taageero mideysan oo ku aaddan jadwalka shaqo ee lagu heshiiyay ee lagu maamulayo doorashooyinka, iyagoo dhinacyada oo dhan ku booriyay inay xushmeeyaan daacadnimada ee dadaalka hawlaha doorashada.

Beesha Calaamka waxay sheegeen inay dhiiri-gelinayaan wada-xaajoodka wax dhisayo si loo xaliyo kala-duwanaanshaha siyaasadeed iyo caqabadaha kale, si horumar looga sameeyo geeddi-socdka siyaasadda iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka waxaa ku saxiixnaa Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, AMISOM iyo Dalalka Maraykanka, Britain, Sweden, Norway, Denmark, Finland, France, Holland, Germany, Turkiga, Talyaaniga, Ireland, Kenya, Uganda iyo Switzerland.

Ugu dambeyn, War-saxaafadeedka Beesha Caalamka ayaa imaanaya iyadoo maalintii saddexaad ay Baydhabo ka socdaan Dibadbaxyo Rabshado wata oo u dhexeeya shacabka iyo ciidamada maamulka Koonfur-galbeed iyo kuwa ka socda Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM.

PUNTLAND POST