Midowga Afrika oo Markii ugu horreysay ka hadlay Rabshadaha ka socda Baydhabo

Muqdisho (PP) ─ War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa looga hadlay xiisadaha ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur –galbeed.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay walaac xooggan ka qabaan xariga Sheekh Mukhtaar Roobow oo dhaliyay xiisadaha ka taagan Baydhabo, iyadoo lagu sheegayo qoraalka inaysan ciidamada AMISOM wax lug ah ku lahayn xirga loo geystay Roobow.

“Waxaan il-gaar ah ku haynay xiisada siyaasadeed ee ka taagan Koonfur-galbeed iyo soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow oo ka mid ahaa xubnaha u taagan doorashada maamulka Koonfur-galbeed,” ayuu Danjire Madeira ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale, Wuxuu ciidamada AMISOM kula dar-daarmayaan in aysan ka qeyb noqon xiisadaasi siyaasadeed ee Baydhabo ka socda,  isagoo xusay inay rajeynayaan in xiisadaasi ugu dambeyn la xaliyo.

“AMISOM, waxay diyaar u tahay inay xushmeyso jiritaanka midnimada guud ee Somalia, waana waajib in dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed aynan qayb ka ahaan, waana ku dadaali doonaa inaan ciidamadeena xadeyno,” ayuu mar kale ku yiri qoraalkisa ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Danjire Madiera wuxuu hadalkiisa ku daray inay ka xun yihiin shacabkii ku dhintay xiisada ka taagan Baydhabo, isagoo xusay inay u rajenayaan in dad kale aysan ku dhiman rabshadahaas, lana soo af-jaro.

Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo xiisad ay ka tagan tahay Baydhabo maalintii saddexaad, isla markaana ay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ay la wareegeen amniga guud ee Baydhabo.

PUNTLAND POST