Juxaa: Muuse Biixi waxan leeyahay Puntland gobolka Sool gorgortan kama gelayso

Murashaxa doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019,mudane Cabdi Faarax Siciid(Juxaa) ayaa maanta si ballaaran loogu soo dhoweeyay magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

Murashaxa oo ka yimid magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa markii uu Garoowe soo gaaray,waxaa ku soo dhoweeyay boqollaal shacab ah oo sita calanka Puntland iyo sawirka murashax,kuwaasoo mudda saacado ah halkaasi ku sugayay.

Mudane Juxaa oo barxadda weyn ee caasumadda kula hadlay boqollaal kamid ah taageerayaashiisa , ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay,isagoo halkaasi ka jeediyay khudbad kooban oo ku saabsan waxqabadkiisa,haddii loo doorto madaxweynaha Puntland.

“isu’soo baxaan maanta barxaddan la isu’gu yimid ee reer Puntland,waxay muujinaysaa sida ay dadku ugu heellan yihiin, in ay aayahooda gacanta ku qabsadaan,in dadka ay rabaan ay soo doortaan”,ayuu yiri Mr Juxaa oo la hadlayay taageerayaashiisa.

Murashaxa ayaa  sheegay in Puntland maanta ay u baahantahay hoggaamiye raad la raaco leh oo hore waxqabadkiisa loo tijaabiyay ee aysan u baahneyn mid ku bar-barta,mid meel kale laga soo xawilay iyo mid koox-daneed ay riiixayso.

Wuxuu ballan qaaday in haddii la doorto uu wax ka qaban doono arrimaha amniga,dhaqaalah,horumarinta bulshada,hirgelinta doorasho qof &cod ah,la’dagaallanka musuq maasuqa, iyo adkaynta wadajirka iyo midnimada shacabka Puntland.

Mar uu ka hadlayay xuduudaha maqan ee Puntland, ayuu sheegay in shacabka gobollada SSC ay wax ka as’aasteen dowladda Puntland,islamarkaana haddii ay wax tabanayaan uu ka garaabayo,balse marnaba aanu cid kale gorgortan kala gelin doonin goboladaasi.

Dhinaca kale murashax ayaa farriin u diray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi”Muuse Biixi waxaan leeyahay,gobolka Sool Puntland gorgortan kama gelayso,dadkiisa ayaa doortay in ay Puntland noqdaan,annana taas ayaan ka shaqeynaynaa”ayuu yiri mudane Juxaa.

 

PUNTLAND POST