Wasaaradda Amaanka DFS oo Warbixin kasoo Saartay Rabshadaha ka Socda Baydhabo

Muqdisho (PP) ─ War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Somalia, ayaa looga hadlay rabshadaha maalintii labaad ka socda Magalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo xarun u ah maamulka Koonfur-galbeed.

Rabshadaha Baydhabo oo uu ku dhintay maanta xildhibaan Baarlamaanka Koonfur-galbeed ka tirsan ayaa ka dhashay qabashada Mukhtaar Roobow oo ka mid ahaa musharraxiinta madaxweynaha Koonfur-galbeed, kaasoo hadda lagu hayo xabsi ku yaalla Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Somalia ayaa shacabka u nool Magalada Baydhabo loogu baaqay inay ilaaliyaan xasilloonida iyo weliba deggenaashaha xarunta maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Shacabka ayaa laga dalbaday inay la shaqeeyaan ku-simaha Madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo laamaha ammaanka ee Koonfur-galbeed si amniga loo xaqiijiyo.

Ugu dambeyn, Gallinkii dambe ee maanta ayaa waxaa gudaha Baydhabo galay ciidammo ka tirsan kuwa Itoobiya, waxaana la sheegay in xaaladda magalada ay tahay mid ka wanaagsan sidii ay maanta gellinkii hore ahayd.

AKHRISO: War-saxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Amniga DF;

PUNTLAND POST