Kulan Nabadeed ay si wadajir ah u qabteen Puntland iyo Galmudug oo ka dhacay Galkacyo

Maamulada Puntland iyo Galmudug (heer Gobol iyo Degmo) ayaa abaabulay kulan loogu talagalay qaybaha kala duwan ee bulshada ee labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo. Kulankan waxaa taageeray hay’adda HD – waxaana ujeedadu ahayd in la xoojiyo doorka hoggaamineed ee labada maamul ku leeyihiin geeddi-socodka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Xasan Maxamed Abgaalow ayaa tilmaamay baahida loo qabo in la xoojiyo nabadda iyo xasiloonida Galkacyo. Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay hay’adda HD taageerada joogtadaa iyo wada shaqaynta.

Guddoomiye Ku-xigeen Gobolka iyo Duqa Degmada ee Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in wadashaqayn xoogan ka dhaxayso maamulada Galmudug iyo Puntland, waxayna balan qaadeen inay sii adkeynayaan ka shaqeynta nabadda.

Suldaan Cabdinaasir Seed, oo ah Guddoomiyaha Golaha Nabadda ayaa shirkii soo xiray, wuxuuna ku dhawaaqay inay qaban doonaan kulan dadweynaha loogu akhrinayo Xeerka Nabadda.


————————————————————–
Puntland and Galmudug administrations (Governor & Mayors) organized a town hall meeting for diverse community sectors of both sides of the town. The meeting was supported by the Centre foR Humanitarian Dialogue – HD and the aim was to emphasise the leadership role of the two administrations on the peace-building and reconciliation processes.
Puntland Governor of Mudug region, Mr. Hassan Mohamed Abgaalow highlighted the need to strengthen the prevailing peace and stability in Galkayo. He also thanked HD for its generous support to hold the joint townhall meeting.

Deputy Governor and Mayor of Galmudug have also stated there is a solid relationship between Galmudug and Puntland State governments, and promised to continue working together.

Suldaan Abdinasir Seed, the Chair for the Joint Peace Committee, adjourned the meeting announcing there will also be an event to validate the traditional Xeer/law.