Ciidammo gaar ah oo Mukhtaar Roobow Cali keenay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Diyaarad qaas ah oo wadday Mukhtaar Roobow Cali oo loo yaqaan [Abu-Mansur] oo maanta lagu xiray magaalada Baydhabo ayaa kasoo dagtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Abu-Mansur ay wadeen ciidammo Somali ah oo ay wehliyayeen kuwa Itoobiya, iyadoo aan la ogeyn halka loo qaaday kaddib markii laga bixiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa barqonimadii maanta ka qabtay Sheekh Abu-Mansuur madaxtooyada Baydhabo, halkaasoo dhamaan musharraxiinta looga yeeray, kaddibna laga reebtay.

Illaa hadda hay’adaha amniga Dowladda Somalia iyo kuwa Koonfur-galbeed kama aysan hadlin sababta ka dambeysa xariga wadaadkan oo sanadkii hore isku soo dhiibay Dowladda Somalia, kaddib markii uu kasoo goostay Kooxda Al-shabaab.

Sheekh Roobow ayaa wuxuu ka mid ahaa musharraxiinta xilka madaxnimo ee maamulka Koonfur-galbeed oo lagu wado inuu toddobaadka soo socda ka dhacdo Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed.

Roobow ayaa waxaa la guddoonsiiyay shahaadaha tartanka doorashada ka dhacaysa Baydhabo, balse Dowladda Somalia ayaa la sheegay inay cadaadis ku haysay tan iyo markii uu xilka isku taagay, cadaadiskaas oo ahaa inuu ka tanaasulo doorashada maamulkan.

Xarigga Sheekh Abu-Mansur ayaa ka rabshado ka qarxiyay Baydhabo, iyadoo waddooyinka waaweyn ee magaaladaas lagu arkayo ciidammo aad u hubeysan, meelaha qaarkoodna ay ka dhacayso rasaas goos-goos ah.

Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Koonfur-galbeed ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo xarigga loo geystay Abu-mansur, waxaana sidoo kale hay’adaha amniga ee Muqdisho ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan keenista wadaadkan iyo halka lagu hayo.

PUNTLAND POST