Rasmi: Camey oo ka laabtay dacwayntii Gaas

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaaahi Xaaji Cumar(Camey) ayaa ka laabtay dacwad uu ka gudbiyay madaxweynaha dowladda Puntland,Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas).

Dacwadda ayaa ku saabsaneyd muran u dhexeeya labada mas’uul oo salka ku haya magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland,waxaana maxkamadda u gudbiyay mudane Camey oo ka ashtakoonayey in aan lagala tashan magacaabista guddigaasi.

Madaxweyne Gaas ayaa 3 bishan December  magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka,hase yeeshee madaxweyne ku xigeenka ayaa ka horjeestay oo isaguna guddiga kale magacaabay,inkastoo xubnihii Camey ay is-wada casileen.

Murashixiinta ayaa dhankooda ku kala qeybsamay guddiyada labada dhinac,balse markii dambe waxay ku wada-qanceen guddiga uu magacaabay madaxweyne Gaas,iyadoo aan wax wada-hadal ah la gelin

Dhinaca kale guddiga uu magacaabay madaxweyne Gaas ayaa shalay si rasmi ah u bilaabay shaqada,iyadoo ilaa iyo haatan aysan muqan caqabad hor taagan in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.

PUNTLAND POST