Mooshinkii Xil-ka-qaadista Madaxweynaha DF Soomaaliya oo la sheegay inuu Burburay

Muqdisho (PP) ─ Mooshinkii dhawaan madaxweynaha Somalia laga keenay ayaa la sheegay inuu burburay, kaddib markii la sheegay in loo waayay kooram uu ku socon karo mooshinkan.

Maalmo ka hor ayay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia oo tiradooda lagu sheegay 92-xildhibaan waxay gudbiyeen mooshin xilka looga qaadayo Madaxweyne Farmaajo, kaasoo noqonaya kii ugu horreeyay oo laga keeno Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia.

Balse, Tiro xildhibaanno ah oo la sheegay inay mooshinkan saxiixeen ayaa ku gacan-saray iyagoo sheegay inaysan saxiixin mooshinka oo lagu been-abuurtay, taasoo dhalisay shaki weyn.

Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia ayaa waxay dood ka keeneen mooshinkan, iyagooo sheegay inaysan ka tashan iyaga iyo guddoomiye Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, taasoo dhalisay khilaaf aan xoogeysna.

Haddaba, AKHRISO Qoraal uu saaray Xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya, C/kariin Xaaji Cabdi Buux, taasoo la sheegay in la gaarsiiyay Guddoomiye Mursal.

PUNTLAND POST