Maxkamadda sare ee Puntland oo saaka dhageysanaysa dacwad u dhaxay Gaas iyo Camey

Maxkamada Sare ee Dawlada Puntland ayaa lagu wadaa inay saaka ka furanto dacwad dastuuriya oo u dhaxaysa Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Eng Cabdullaahi Cumar Camey, taas oo ku salaysan guddiga xalinta khilaafaadka Baarlamaanka.

Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweyne Gaas uu magacaabay guddiga xalinta khilaafaadka iyo xulista baarlamaanka hase ahaate uu saacado kadib guddi kale ka daba magacaabay ku-xigeenkiisa Eng Camey oo sheegay inaan lagala tashan guddiga uu madaxweynuhu magacaabay.

Saaka waxaa Maxkamadda sare oo fadhigeedu yahay magaalada Garowe soo xaadiri doona qareeno u doodaaya labada dhinac.

Puntland oo 20-sano jirsatay weli maleh maxkamadii dastuuriga ahayd oo shaqadan iyadu leh hase ahaate waxaa shaqadii maxkamadaas sii wada Maxkamada sare.

Waa markii ugu horaysay oo ay Maxkamadda sare dhagaysato dacwad tan lamida.

PUNTLAND POST