Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka tanaasuley dacwad uu u gudbiyey maxkmada sare

Sida ay xaqiijinayaan wararka soo gaaraaya PUNTLAND POST Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ka noqday dacwad uu u gudbiyey maxkmada sare oo uu kaga astakoonaayey guddiga xalinta khilaafaadka ee uu magacaabay Madaxweyne Cabdiwali Gaas.

Dacwadan oo saaka lagu wadey inay ka furranto maxkmadda sare fadhigeeda magaaladda Garowe ayey wararku xaqiijinayaan inay baaqatay kadib markii uu Madaxweyne Ku-xigeenku la laabtay dacwadii uu u gudbiyey maxkamada sare.

Warar ay helayso PUNTLAND POST ayaa sheegaaya inay arintan si hoose u galleen qaar kamida wax garadka Puntland oo ay kamid yihiin isimo soo jireen ah, lamana oga in ka laabashada dacwada ee Eng Camey ay arintani ka danbaysay.

Waxaa la filayaa inay arintani soo afjarto khilaafkii ka dhashay magacaabista guddiga khilaafaadka ee ay kala magacaabeen Madaxweyne Gaas iyo Ku-xigeenkiisa Eng Camey.

PUNTLAND POST