Weerar xalay ka dhacay Laascaanood

Dabley hubaysan ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday taliska qeybta Booliiska Somaliland ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Dableyda ayaa qoryaha Baasuukaha iyo Kuwa AK47 ku weeraray taliska,waxaana halkaas in mudda ka socotay rasaas ay is’weydaarsanayan kooxdii weerarka qaadday iyo ciidamada amniga ee saldhigaasi joogay,sida ay Puntland Post u sheegeen dad kala duwan oo ku sugan magaalada Laascaanood.

Weli wax faahfaahin ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarka,waxaana goobta isaga baxsaday dableydii weerarka qaadday oo aan haybtooda la aqoonsan.

Dhinaca kale waxaa isla xalay bartamaha magaalada Laascaanood lagu rasaaseeyay mid kamid ah suxufiyiinta gobolka Sool oo lagu magacaabo Mukhtaar Cabdi Jaamac.

Suxufiga ayaa sheegay in koox bastoolado ku hubaysan ay soo weerareen,islamarkaana rasaas huwiyeen baabuurkiisa,balse aysan wax dhib ah ka soo gaarin,kadib markii uu baabuurka kala cararay meesha.

PUNTLAND POST