Puntland: wasaarada Haweenka oo soo xidhay ol’olaha 16-ka maalmood ee joojinta tacaddiyada

Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska dowladda Puntland ayaa Axadda maanta ah soo xidhay ol’olaha 16-ka maalmoood ee joojinta tacaddiyada ka dhan ah Haweenka,waxaana sidoo kale munaasabadda lagu dhex xusay maalinta baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadahana ee k u beegan 10 December sannad walba.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Marwada madaxweynaha dowladda Puntland,wasiirka Haweenka,guddoomiyaha xafiiska difaacaha xaquuqda aadanaha Puntland,saraakiil ka socotay hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga,Haween iyo qeybaha kale ee bulshada.

Hay’adaha caalamiga ah ee kulankan joogay ayaa waxaa kamid ahaa EU CAP,UNICEF,UNDP,UNFPA,SAFE, save the children,CARE International,IRC,NCA,World Vision iyo DRC, sidoo kale  hay’adaha maxalliga ah ee munaasabadda  ka qeyb galay ayaa waxa kamid ahaa Kaalo,SHILKON,PSA iyo Taddaamun.

Dhammaan saraakiishi ka socotay hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee munaasabadda ka hadlay ayaa cod midaysan ku sheegay in  loo istaago ilaalinta xuquuqda aadanaha,gaar ahaanna dadka nugul ee Haweenka iyo carruurtu ku jiraan iyo in la joojiyo tacaddiyada lagu hayo bulshada qeybteeda nugulka ah.

Maxamed Shiino oo ku hadlayay afka hay’adaha maxalliga ah wuxu hoosta ka xarriiqay in joojinta tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda bini’aadamka ay tahay mas’uuliyad wadareed oo looga baahanyahay qof kasta in uu doorkiisa ka qaato.

Dhinaca kale Maxamud Cali Yuusuf oo ka tirsan hay’adda UNICEF kuna hadlayay magaca hay’adaha Qaramada Midoobay ee wakhtiga badan geliya joojinta tacaddiyada iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ayaa isna kulanka ka sheegay in ay mar walba u heellan yihiin in ay bulshada ku garab istaagan ka hortagga tacaddiyada,gaar ahaanna kuwa loo geysto dadka nugulka ah ee Haweenku ku jiraan.

Guddoomiyaha xafiiska difaacaha  xuquuqda aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali oo isna hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in haddii lagu dhowro shuruucda iyo xeerarka dalka u yaalla wax badan la yareyn karo tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha,islamarkaana la ilaalin karo xuuqdaasi.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska dowladda Puntland,Mrs Maryan Axmed Cali oo dadaal badan ku bixisay joojinta tacaddiyada loo geysto Haweenka iyo ilaalinta xuquuqda nugulka ayaa iyana si guud ugu mahadcelisay hay’adaha bah-wadaagta la ah wasaaradda Haweenka,waxaana wasiirku sheegtay in aysan ay laba-jibbaarayso dadaalka ku jihaysan cidhib-tirka tacaddiyada Haweenka iyo carruurta.

Ugu dambeyntii Marwada Madaxweynaha dowladda Puntland Drs Hodan Siciid Ciise ayaa munaasabadda ka jeedisay baaq ku aaddan in la dabar-gooyo caadooyinka xun-xun ee ka qeyb-qaata tacaddiyada Haweenka sida gudniinka Fircooniga ah iyo kuwa  la midka ah.

PUNTLAND POST