MAHAD CAWAD: Xildhibaanada Baarlamaanka kuma Shir karaan Xarunta Villa Hargeysa

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somalia oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa amar ku siiyay xoghayaha baarlamaanka inuusan fulin karin hawl aysan ku heshiis xubnaha guddoonka baarlamaanka Somalia.

Hadalka Mahad Cabdalla Cawad ayaa imaanaya, kaddib markii mooshin ka dhan ah loo gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, kaasoo xubnihii soo gudbiyay uu ka qabtay xoghayaha baarlamaanka Somalia, Buux.

Sidoo kale, Guddoomiye Cawad ayaa amar ku bixiyay in aan lagu shiri karin xarunta guddiyada baarlamaanka Somalia inta uu jiro khilaafka ka dhashay mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Go’aannada uu soo saaray guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Somalia ayaa waxaa ka mid ahaa qodobbadan;

  1. In Maamulka Golaha ee uu ugu sareeyo xogheyaha Golaha uu mas’uul ka yahay howl socod siinta Go’aamadii ka horeeyay khilaafka, isla markaana uusan fulin karin G’aamo Maamul iyo maaliyadeed oo aysan ka wada tashan Xafiiska Guddoonka ka wada tashan.
  2. In xildhibaanada kala aragtiyada duwan aysan kulamadooda siyaasadeed u isticmaali karin hoolka shirarka ee guddiyada Baarlamaanka Somalia ee Villa Hargeysa.
  3. In xarunta golaha shacabka ay u dhaxeeyso dhammaan Xildhibaannada lagana ilaaliyo in koox aragti gaar ah wadato ay u adeegsato hannaan guddoonka Golaha isku waafaqsaneyn
  4. In Maaliyadda iyo miisaaniyadda Golaha loo maareeyo hannaan la isku waafaqsan yahay kana wada-tashadeen Guddoonka iyo Xafiiska Golaha.
  5. In aanan aqoonsanayn guddiga maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacbaka ee la kala diray 28-kii bishii lasoo dhaafay, anaga oo u soo jeedinayna Guddoomiyaha baarlamaanka inuu guddoonku ka heshiiyo dhismaha guddi uu waqtigiisu ku egyahay maareynta miisaaniyadda Sannadka 2019-ka iyo xisaab-xirka 2017-ka, iyadoo la deegsanaya xeer-hoosaadka 56-aad farqada lixaad.

Ugu dambeyn, Go’aanandan ayaa u muuqda kuwo meesha ka saaraya awooda guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo u muuqda mid lasoo baxay siyaasad ka duwan middii horay looga filayay.

DHAGEYSO: Shirka Jaraa’id ee uu maanta qabtay Mahad Cabadlla Cawad;

PUNTLAND POST