Madaxweynaha Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjire Cusub


Muqdisho (PP) ─
Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga Danjiranimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee waddaka Norwey u fadhin doonta Somalia, Elin Bargithe Rognlie.

Danjire Elin Bargithe Rognlie oo si kooban u hadlay ayaa sheegtay inay laba-jibaari doonaan adkeynta xiriirka u dhaxeeya Somalia iyo Norway uu ku tilmaamay inuu yahay mid meel wanaagsan maraya.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad oo isna ka hadlay munaasabada ayaa yiri. “Madaxweynaha Somalia wuxuu maanta xafiiskiisa waraaqaha aqoonsiga danjiranimo uga guddoomay safiirka cusub ee Norwey, Elin Bargithe Rognlie. Madaxweynaha iyo safiiraddu waxay ka wada-hadleen sidii xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Norwey loo xoojin lahaa,” ayuu Wasiir Cawad.

Dhanka kale, Wasiir Cawad ayaa sheegay in dalka Norwey uu yahay dalalka ugu taageerada badan saaxiib dhowna la ah Somalia, Waxayna Dowladda Norway madaxweynaha iyo shacabka Somalia ku ammaaneen horumarka dhan kasta ah ee uu dalka gaaray.

Ma ahana markii ugu horreysay oo Madaxweyne Farmaajo uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomo danjirayaal ka socda dalalka Galbdeedka oo ay Somalia gacan weyn ka siiya dhanka dhaqaalaha iyo millateriga.

Ugu dambeyn, Xafladdan Danijraha Norway looga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ayaa waxay imaanaysaa iyadoo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ay mooshin ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo.

PUNTLAND POST