Wasaaradda Haweenka Puntland oo furtay kulan ku saabsan qoonada Haweenka ee siyaasadda

Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ka daah-furtay kulan ku saabsan dhiirri-gelinta qoondada Haweenka ee ka qeybgalka siyaasadda.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay,odoyaal,nabaddoonno,cuqaal,haween iyo dhalinyaro,waxaana looga hadlayay sidii haweenka qoondada ay mudan yihiin looga siin lahaa siyaasadda,maadaama ay yihiin laf-dhabarta ay bulshadu ku tiirsantahay.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska dowladda Puntland marwo Maryan Axmed Cali oo barnaamijkan furtay ayaa sheegtay in wasaaraddu ay dadaal badan gelisay welina ay waddo u qareemidda sidii haweenku ay qoondo saxa uga heli lahaayeen siyaasadda,islamarkaana uga dhex muuqan lahaayeen golayaasha dowladda,sida Baarlamanka iyo xukuumadda.

Wasiiradda ayaa ku boorrisay odoyaasha dhaqanka ee xulaya xubnaha Golaha wakiilada in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii haweenka Puntland  ay u heli lahaayeen qoondada ay xaqa u leeyihiin ee Baarlamanka ay haatan xulistiisu socoto,maadaama ay odoyaasha dhaqanku soo xulayaan.

Sidoo kale wasiiradda ayaa farriin u dirtay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland oo ay ugu baaqday in ay mudnaan gaar ah siiyaan helidda haweenka ee qoondada ay ka mudan yihiin Baarlamanka cusub.

Nabadoon Siciid Maxamed oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa isna si weyn u soo dhoweeyay hadalka wasiirka,waxaana uu sheegay in marwalba ay ka shaqeynayaan sidii Haweenku ay u heli lahaayeen xaqooda siyaasadeed,isagoo tilmaamay in ay bulshada kaalin qiimo badan ugu jiraan haweenku,aysanna suurra-gel ahayn in xaqooda Dastuuriga ah la duudsiyo.

Faadumo Axmed Nuur oo urur weynaha Haweenka Puntland u qaabilsan gobolka Nugaal ayaa sidoo kale ku baaqday in la ilaaliyo qoondada ay gabdhaha Puntland ku leeyihiin golayaasha dowladda ee uu xaqa u siinayo Dastuurka Puntland,iyadoo isimada dhaqanka ku boorrisay in aan marnaba la illaawin doorka shariifka ah ee Haweenka Puntland ay kaga jiraan bulshada.

PUNTLAND POST