Madaxweynaha Puntland oo dallacsiiyay taliyaasha ciidamada Daraawiishta iyo PMPF

Madaxweynaha  Puntland,Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa Sabtida maanta ah dallacsiiyay taliyaasha ciidamada Daraawiishta iyo Badda(PMPF) ee dowladda Puntland.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan 8 bishan December 2018 ee ku beegan sabtida maanta ah ayaa min hal darajo lagu dallacsiiyay taliyaha ciidanka Daraawiishta,Ex Sarreeye Guuto haatanna ah sarreeye Gaas,Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen iyo Ex sarreeye Guuro haatanna ah Sarreeye Gaas,Cabdirisaaq Diiriye Faarax,taliyaha ciidanka badda Puntland ee(PMPF).

Sarreeye Gaas Cabdirisaaq Diiriye Faarax taliyaha PMPF

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland,Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa la magacaabay 28 October ee sannadkan 2018,kadib markii taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta Puntland,Sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) uu ku dhawaaqay inu u sharraxanyahay doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019.

Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen taliyaha Daraawiishta

PUNTLAND POST