Heshiis rasmi ah oo laga gaaray colaaddii Dhummay

Shirkii Nabadeynta beelaha Bah-hararsame iyo Qayaad ee ka socday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa lagu gaaray heshiis rasmi ah oo ka kooban 7 qodob.

Shirkan ayaa dowlad degaanka Soomaalida  Ethiopia  u xil-saartay guddi ka kooban 25 xubnood oo ay weheliyaan  ergo min 21qof ah oo ka kala socotay labada beelood ee colaaddu u dhexaysay,waxaana ka soo baxay qodobadan hoos ku xusan:

1: In la bixiyo dhamaan wixii mag ah ee labadan beelood ay isu gaysteen oo ah 170 qof , lagana dulqaado culayska magtan . Waxaaana bixinaya Beel waynta Daarood .

2: Mudada lagu bixinayo magtanina waa 12 bilood ama sanad
qofkii Waxaa la xisaabinayaa 50 halaad.

3: Dhaawac labada beelood waxaa loo xilsaarey in ay soo xaqqaan Gudiga Culimada gobolka Sool , mudada ay howshaa ku soo dhamaynayaana waa 6 bilood gudeheed.

4:Wixii khasaare guryo la gubey iwm waxaa loo dirayaa guddi howshaa soo qiimeeya .

5:Beel Waynta Bahrarsame Waxaa lagu ganaaxay in ay bixiso 200 oo Halaad iyo $48,000  oo duug ah mudada ay ku bixinayso 200 ee halaad waa 6 ilood lacagta duugta ahna waa 20 maalmood .

6: Beelwaynta Cabdi Garaadna (Qayaad ) Waxaa lagu ganaaxey inay bixiso 50 halaad oo geel ah , mudada ay ku bixinaysona waa 6 bilood , iyo 21,000 $ oo duug ah , iyana ay ku bixin doonto mudo 20 maalmood .

6: In Beeshii danbe ee jabisa heshiiska ama weerar qaada lagu ganaaxo 100,000 $ (Boqol kun oo dollar ) .

7:In la sameeyo socdaalo wacyi gelin nabadeed oo la dhex maro dhamaan deegaanadii ay wax ka dheceen kuwa kaleba .

Shirka heshiisiinta beelaha Qayaad iyo Bah-hararsame oo socday in ka badan 20 cisho ayaa waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah isimada ugu faca-weyn geyiga Soomaalida oo ay  ku jiraan  Islaan Ciise Islaan Maxaamed iyo garaadka guud ee dowlad degaanka Soomaalida,garaad Kulmiye garaad Maxamed garaad Dool garaad Wiil waal,waxaana sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaatay madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cagjar.

Dagaallo qaraar oo 21-kii ilaa 23-kii bishii October ee sannadkaan ka dhacay degaanka Dhummay ee koonfurta gobolka Sool ayaa geystay khasaare ballaaran oo naf iyo maalba leh kaasoo kala gaaray labada beelood oo halkaasi ku dagaallamay,hase yeeshe isimada Dhaqanka Puntland iyo dowlad degaanka Soomaalida ayaa si deg deg ah uga hawlgalay joojinta colaaddaasi oo marar horena  soo noq-noqotay.

PUNTLAND POST