Mid kamida guddigii uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo is-casiley

Axmed Aadan Carab oo kamida guddi khilaaf dhaliyey oo uu  magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdullaahi Cumar Camey inay noqdaan guddiga khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inuu iska casiley kamid ahaanshaha guddigaas.

Axmed oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Garowe ayaa ku tilmaamay magacaabistaas mid aan lagala tashan, wuxuuna ka codsaday Madaxweyne ku-xigeenka inuu ka noqdo magacaabistaas oo uu sheegay inay khal-khal ku abuuri karto Dawladnimada, wuxuuna intaa raaciyey inuu tageersan yahay uuna mida saxa uu arko gudigii uu magacaabay Madaxweyne Gaas.

Dhanka kale sida ay helayso PUNTLAND POST xubno kale oo ah guddiga uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa iyaguna qorshaynaaya inay iska casilaan saacadaha soosocda.

Carab ayaa saxiibadiisa kale ee lala magacaabay ugu baaqay inay wadadiisa maraan si loo ilaaliyo wadajirka Puntland.

Arimahan ayaa kusoo aadaaya xili Madaxweyne Gaas iyo Ku-xigeenkiisa Camey ay iska soo dabasaareen labba guddi oo is khilaafsan, mana jirto wax xal ah oo illaa iminka khilaafkaas laga gaaray walow ay dad is xilqaamay dadaal ugu jiraan inay khilaafkan soo afjaraan.

PUNTLAND POST