Aqalka Sare oo Ansixiyay Sharciga Dhismaha Guddiga La-dagaalanka Musuq-maasuqa

Muqdisho (PP) ─ Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa maanta ansixiyay dhismaha guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa oo ay horay ay u soo ansixiyeen golaha shacabka ama Aqalka Hoose.

Golaha Aqalka Sare ayaa Hindise-sharciyeedka ka yeeshay kulank gaar ah, kaasoo maray akhrintii saddexaad, waxaana maanta loo ballan-sanaa in cod loo qaado sharcigan oo muhiim u ah la dagaalanka musuq-maasuqa jira.

Kulankii maanta ayaa waxaa soo xaadiray 31 Senator, Guddoomiyaha guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, xuquuqul insaanka, haweenka iyo carruurta.

Senator, Zamzam Ibraahim Cali ayaa ka hor-akhrisay Senator-rada Golaha Aqalka Sare Hindise-sharciyeedkan, iyadoo dul-is-taagtay Talooyinkii lagu daray akhrinta koowaad iyo akhrinta labaad, Intaa kaddibna waxay xubnaha goluhu cod u qaadeen sharciga dhismaha gudiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq-maasuqa, waxaan ansixiyay dhamaan Senator-radii soo xaadiray kulanka oo tiradoodu ahayd 31 Senator.

Anisixinta dhismaha guddigan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo sanadkan lagu daray Somalia dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, xilli madaxda Dowladda Federaalka ay sheegayaan inay dagaal adag kula jiraan musuq-maasuqa iyo wixii la xiriira.

Ugu dambeyn, kulanka waxaa goob-joog ka ahaa; Wasiirka Cadaaladda DF, Avv. Xassan Xuseen Xaaji, Waxaana shir gudoominyay gudoomiyaha golaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi C/llaahi.

PUNTLAND POST