Akhriso: Xildhibaano mooshin ka keenay heshiisyadii Ethiopia iyo Eritrea

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlmaanka Soomaaliya ayaa maanta gudbiyay mooshin ku saabsan heshiisyada iyo is afgaradyada ay madaxda dowladdu la gashay dalalka shisheeye.

Tobadan xubnood oo ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gudbiyay warqad ay ku dalbanayaan in loo furo dood ku saabsan heshiisyadii ugu dambeeyey ee Madaxweyne Farmaajo la galay dalalka Ethiopia iyo Eritrea, waxayna

Xubnahan ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ka codsaday in la furo dooda saddex qodob oo kala ah.

  1. Heshiisyadii iyo isafgaradkii lala galay dalalka shisheeye intii uu talada hayey Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo
  2. Joogitaanka iyo keennidda ciidamo hor leh oo ka socda Ethiopia iyo Eritrea oo qeyb ka ah heshiiska la sheegay in lagu mideynayo saddexda dal.
  3. Cawaaqibka siyaasadeed ee ka iman kara marti-gelinta shirka saddex geesoodka ah ee lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho. iyada oo aan umadda loo soo bandhigin waxa lagu heshiiyey isla markaana aysan walaalaha Djibouti qeyb ka aheyn.

PUNTLAND POST