Madaxweynaha Puntland oo mashaariic cusub ka dhagax-dhigaya degmada Dhahar

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) iyo wefdi  uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga magaaladda Dhahar ee xarunta  gobolka Hayland halkaas oo uu gaaray Arbacadii shalay ayaa maanta ka dhagax dhigi doonaa Mashaariic ay ka mid tahay Waddo cusub oo laami ah.

Laamiga cusub ee madaxweynuhu maanta halkaasi ka dhagax-dhigayo oo dherarkiisu yahay 90KM ayaa isku’ xidhi doona degaannada Xiingalool,Baraagaha-qol,Dhahar iyo Sheerbi oo ka kala tirsan gobolada Hayland iyo Karkaar.

Booqashada Madaxweynaha  oo ah tii u horraysay ee madaxweyne Puntland  uu ku tego gobolkaas ayaa mudane Gaas ku sheegay inay fure u noqon doonto shanta sanno ee soo socota oo uu madaxweynuhu doonayo in mar labaad la doorto.

Waxaan ka xumahay oo runtii dareemayaa inaan idiinka soo daahay, laakiin waxaan rajeynayaa inay tani fure u tahay shanta sano ee soo socota, waan idiin nimid, waxaan u imid inaan idiin soo booqano, Inaanu ogaano xaalada dhabta ah ee gobolka ka jirta, waxaanu idiin keenay dhowr mashruuc, mashaariicdaasi waxay ka koobnaayeen mashruuc ay fulinayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dhismaha guryaha dadka loogu talagalay barakacayaasha, gaar ahaan dadkii kusoo barakacay abaarihii iyo Barnaamijkan Mashruuca Caafimaadka” ayuu yiri Yiri Madaxweyne Gaas.

Wuxuu sheegay in uu isbeddel dhan walba  ka sameeyo doono gobolka Hayland oo ku tilmaamay mid difaac u ah Puntland“waxaan u baahannahay in isbedel gobolka laga suubiyo dhan walba, gobolku wuxuu difaac iyo xayndaab u yahay Puntland, dhabtii waa difaacii Puntland, waxaan isku waraysan doonaa Haylaan oo horumartay dhanwalba, waxaan u baahanyayhay taageeradiina, ducaddiina iyo garab istaagiinna si isbedel u suubsamo aadna horseed ka noqotaan isbedelkaas” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Ugu dambeyntii, madaxweynuhu wuxuu shalay  Degmada dhahar ka daah-furay mashruuca daryeelka caafimaadka as’aasiga ah ee gobolada Hayland iyo Sanaag oo ah mashruuc ay ka faa’idaysanayaan boqolaal dadweyne ah isla’markaana madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada dhahar ka dhagax dhigii doona mashaariico horumarineed.

 

PUNTLAND POST