Musharax Saciid Deni oo si adag u weeraray xukuumadda Madaxweyne Gaas

Waxaa maanta magaaladda Bosaaso ee xarunta gobalka Bari siweyn loogu soo dhaweeyey musharaxa madaxweynaha Dawlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana soo dhawayntiisa ka qayb galay boqolaal qof oo kamid taageerayaashiisa magaalada Bosaaso iyo kuwa ka tegey gobalada kale ee Puntland.

Musharax Saciid Deni oo kamida musharixiinta ugu cad-cad doorashada la saadilinaayo inay dhacdo sideeda janaayo ayaa si adag u weeraray xukuumada talada Puntland haysa ee uu hogaanka u hayo Dr Cabdiwali Cali Gaas, Musharax Saciid Deni oo taageerayaashiisa la hadlaayey markii uu soo gaaray magaaladda Bosaaso ayaa xukuumadda Dr Gaas ku tilmaamay mid ku fashilantay wixii loo igmaday.

Deni ayaa ku eedeeyey xukuumadda talada haysa inay madaxa isku gelinayso qabaailka Puntland ee ku guda jira suu xulista xildhibaanada cusub, wuxuuna sheegay inay tani dabo socoto dhibaatooyin uu horay Madaxweyne Gaas uga soo sameeyey Muqdisho intii uu raisul wasaaraha ka ahaa Dawlada Federalka ee Soomaaliya, wuxuuna yiri mar uu ka hadlaayey

” Waxyaabaha inaan ka digo waxaa ka mid ah arrimaha doorashada iyo guddiga khilaafaadka, waxaad ogtihiin in qabaa’ilkii Puntland madaxa la isku galiyay, waxaad ogtihiin in la abuuray in kursi kasta 10 qof la soo saaray. arrintaas idinku ma taqaaniin laakiin waa arrintii madaxweyne Gaas uu sameeyay 2012kii markii uu Ra’isul Wasaaraha ahaa. Ilaa iyo hadda khilaafkii ka dhacay dad baa lagu dilaa Muqdisho” ayuu yiri Musharax Deni.

Musharaxa oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhibaatooyinkan durba soo ifbaxeen kadib markii xalay magaaladda Bosaaso lagu dhaawacay mid kamida xubnaha doonaaya kamid noqoshada baarlamaanka cusub.

Deni ayaa uga digey xukuumadda Madaxweyne Gaas inay faragelin ku samayso doorashada iyo xulista xubnaha baarlamaanka.

Guud ahaan degaanadda Puntland waxaa siweyn looga dareemayaa ololaha doorashadda madaxtinimada Puntland oo lagu wado inay dhacdo 08-Janaayo 2019, waxaana gobaladda socdaalo ku maraaya musharixiinta u ordaaya kursigan.

PUNTLAND POST