Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo Maanta afka ciidda u daray Xulka Waddanka Itoobiya


Jabuuti (PP) ─
Xulalka kubbadda cagta 23-jirada Somalia ayaa guul ka gaaray xulka Itoobiya oo kulankii labaad ee is-reeb-reebka ciyaaraha Olombikada Adduunka ay ku yeeshay garoonka AL-Haji Guled ee magaalada Jabuuti.

Cayaartoyda Xulka Somalia ayaa ku badiyay cayaartii galabta 1-0, waxaana guusha xulka 23-jirada Somalia looga dabaal-degay Garoonka oo Soomaali badan ay ku sugnaayeen.

Kulankii ka horreeyay midkan ayaa xulka Somalia waxaa looga adkaaday 4-0, iyadoo xulka Smalia ay guul-darro weyn kala kulmeen cabaartaas oo ka dhacday magalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya.

Goolka xulka Soomaaliya oo ahaa laad toos ah ayaa waxaa u dhaliyay Feysal Xasan Axmed oo ka mida lacibiinta qurbe-joogta ee xulka ka mid noqday, iyadoo guushan ay noaqonayso mid soo celinaysa rajadii Soomaaliya.

Dhanka kale, Ma ahan markii ugu horreysay oo xulka Somalia ay sidan oo kale uga adkaadaan xulka Itoobiya, balse dhawr jeer oo hore ayay dhacday, inkastoo xulka Somalia aysan u soo bixin tartankii cayaarihii loo loolamayay.

Ugu dambeyn, Cayaartoyda xulka Somalia ayaa waxaa ku socda isbedel aad u weyn, iyadoo la doonayo inuu isbedel ku yimaado heerka cayaaraha dalka, iyadoo xulka Somalia uu guul-darrooyin  badan la kulmay tan iyo markii dib boorka looga jafay, sannado ka hor.

PUNTLAND POST