Muqdisho: Xildhibaan ka badbaaday qarax gaarigiisa lagu xiray

Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Gaari noociisu yahay Hilux oo uu leeyahay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa ku qarxay afaafka hore ee Hotelka Maka Al-Mukarama, xilli Xildhibaanku la sheegay inuu ku jiray carwo ku taalla halkaas.

Sid ay xaqiijiyeen goob-joogayaal ku sugnaa halkaas, waxaa qaraxa ku dhaawacmay labo ruux oo mid ka mid yahay darawalkii gaariga Xildhibaanka.

Ciidamada ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna damiyeen gaarigii qarxay oo gubanayay.

Wadada Maka Al-Mukarama oo aad loo ilaaliyo, ayna isticmaalaan musuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa inta badan waxaa ka dhaca qaraxyada magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka hadashay qaraxa lagu xiray gaariga Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

PUNTLAND POST