Dalka Koongo oo Askar iyo shacab lagu laayey

Koongo-[Puntland Post] Saddex qof oo mid kamid  ah yahay askari ayaa ku geeryooday dalka Koongo, kadib markii askari kale uu toogtay dadkaasi oo joogay goob aas ka dhacaayey, sida ay sheegeen ciidamada Booliska ee dalkaasi

Askarigan ayaa sida oo kale dhaawacay ilaa toban qof, kuwaas oo kamid ahaa dadka Aaskaasi kasoo qayb galay  magaaladda Jikaaba ee gobolka Kasaay ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

Ilaa hadda lama oga sababta keentay in askarigani rasaaseeyo dadkan aaska ka qayb gelaaye , iyada oo gobolka Kasaay ay qul qulatooyin ka socdeen laga soo bilaabo 2016 ilaa 2017-kii , iyada oo ay isku dhacyo ka dhacay ka dhacay gobolkaasi ay ku dhinteen , saraakiil ciidamada amaanka ka tirsan  iyo  dad ay ku jiraan khubaro ajaanib ah.

Cabdiqani Boos

Puntland Post