Xubnaha Golaha shacabka oo la kulmay qaar kamid ah dhalinyarada Muqdisho

Xildhibaanada dhalinyarada ee ku jira Golaha Shacabka ayaa xalay la kulmay qaar ka mid ah dhalinyarada kul nool Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid casho ah ayaa xildhibaabada iyo dhalinyarada waxa ay ka wada hadleen doorka dhalinyarada ee xoojinta dowladnimada Soomaaliya.

Xilldhibaanada ayaa warbixin ka dhageystay dhalinyarada, sidoo kale waxay iska xog wareysteen sida loogu faa’iideysan karo fursadaha u banaan dhalinyarada Soonaaliyeed.

In xildhibaanada dhalinyarada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya soo hor fariistaan dhalinyarada ay metelaan waa farxad iyo guul lagu faano, waana soo dhaweyneynaa”.
ayay tiri Muna Axlaa oo ka mid ahayd dhalinyaradii kulanka ka qeyb gashay.

Xildhibaanada dhalinyarada ee Golaha Shacabka ayaa balan qaaday iney ka warheynaya xaalada dhalinyarada Soomaaliyeed, kana shaqeynayaan sidii dhalinyarada loo siin lahaa fursado hogaamin iyo kuwa shaqo abuur.

PUNTLAND POST