Xasan Sheekh Maxamuud oo ka degay Kismaayo, kana hadlay nidaamka Federaalka

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Madoobe

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo madax ka tirsan maamulkiisa ayaa Kismaayo kusoo dhaweeyay Xasan sheekh Maxamuud oo booqasho ku yimid Jubbaland.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka Xasan sheekh ee Kismaayo oo uu sheegay intuu xilka hayay ay qabsoomeen waxyaabo fara badan oo qayb ka ah hanaanka Federaalka dalka oo ay ugu horeeyaan dhismaha dowlad goboleedyada.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in wax walba ay leeyahiin isbadalo kuwaas oo mudan in la wajaho oo wixii la qabto aan dib loogu noqon ee horay loosii wado, wuxuuna sheegay in uu Madaxweynihii hore kusoo dhaweynayo Jubbaland.

Dhanka kale Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ah Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa dhankiisa u mahad celiyay dadweynaha iyo madaxda Jubbaland ee ku soo dhaweeyay Kismaayo, isagoo amaanay isku duubnida iyo wadajirka reer Jubbaland.

Waxaa uu intaas ku daray in hanaanka Federaalka dalka oo ay Jubbaland qayb ka tahay uu maalinba meel soo joogay isla markaana uu diyaar u yahay in la hormariyo oo la dardar galiyo, maadaama loo arkay in uu yahay wado dib loogu soo celin karo is aaminaada iyo dhismaha dowladnimada dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu intaas ku daray in reer Jubbaland ay gacmaha is qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan hormarinta deegaanadooda iyo guud ahaan dalka.

PUNTLAND POST