Puntland: Shaqaalaha dowladda oo loo fasaxay xuska Mowliidka

Wasaaradda Shaqada &Shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland,ayaa shaacisay, in talaada berri ah oo ku beegan 20 bishan November 2018, ay fasax yihiin dhammaan shaqaalaha dowladda Puntland,maadaama la xusayo dhalashadii Nebi Muxamed(NNKH) oo loo yaqaanno “Mowliidka”.

Warqad ka soo baxday xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada &shaqaalaha,dhalinyarada iyo ciyaaraha,Axmed Cabdalle Tigaana, oo tixraacaysa xeerka shaqalaha Puntland  ee ku saabsan fasaxyada Ciidaha iyo maalmaha Qaranka(26 June&1July), ayaa lagu wargeliyay dhammaan shaqaalaha dowladda, in ay fasax yihiin talaadada berri ah ee la xusayo Mowliidka.

Sidoo kale warqadda ayaa looga codsaday,  madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha caalamiga ah, in ay tix-geliyaan xuska dhalashada Nebiga(NNKH) oo ay fasaxan shaqaalahooda,si ay uga qeyb-qaatan xuska.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar