Islaan Ciise, Garaad Maxamed iyo Madaxweyne Cagjar taariikhdaa xusi doonta doorkooda daminta collaada Dhumay

Magaaladda Jig-jiga ee Dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa si habsami leh uga socda shir balaaran oo ay isugu yimaadeen beelihii walaalaha ahaa ee dhawaan ku dagaalamay deegaanka Dhumay ee Gobalka Sool oo ay isaga dhinteen in ku dhow boqol qof oo isugu jira rayid iyo maleyshiyaadkii dagaalamay.

Shirka Jig-jiga ayaa yimi kadib markii deegaanadii lagu dagaalamay ee Dhumay gaareen wafti balaaran oo ku dhow 30-qof oo isugu jira cuqaal, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo Indheergarad kale oo uu hogaaminaayo Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo kamida isimada soojireenka ah ee Soomaaliyeed kadibna ay kusoo biireen indheer garad kale oo ka yimi deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu hogaaminaayey Garaad Maxamed Garaad Kulmiye Garaad Dool.

Waftigii balaarnaa ee uu Islaanku hogaaminaayey markii ay gaareen deegaanka Dhumay waxay durbadiiba bilaabeen inay u kala dab qaadaan beelaha walaalaha ee ay collaadu dhex martay si loo baajiyo dhiig mar kale daata, iyada oo ay markii danbe arintan la xoojiyeen wax-garadkii ka yimi magaalada Jig-jiga ugu danbayntiina waxaa la isla gaaray in la sameeyo xabad joojin lana baajiyo inuu mar kale dagaal qarxo, waxaana gogashii shirkaas loo raray xarunta deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jig-iga maadaama halkaas loo arkay goob ka madax banaanaan karta faragelin iyo dano siyaasadeed oo kaga yimaada dhinacyo kale, waxaana fududaynta hawlahan iyo gogoshaba fidiyey Madaxweynaha Dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar oo isaguna door taariikhda galay ka qaatay nabadaynta iyo caawinta beelihii ku dagaalamay degaanka Dhumay.

Dadka Soomaaliyeed ayaa taariikh u leh inay isu gurmadaan, is caawiyaan, is-dhex galaan xiliyadda adag ee collaadaha Beelaha, collaada Dhumay ayaa noqotay wax damqisay qof kasta oo Soomaaliyeed oo uu ku jiro damiir Soomaalinimo, waxay umadda Soomaaliyeed aaminsan yihiin in la joogo xiligii laga gudbi lahaa colladan nasiib darada ah uuna beelaha walaalaha dhex mari lahaa heshiis iyo is-cafin walaalnimo.

Runtii amaan iyo sharaf ayey mudan yihiin Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Maxamed Garaad Kulmiye iyo Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ah sadexda shaqsi ee udub dhexaadka u ah daminta colladan, waana mid ay taariikhdu xusi doonto. Waxayna guteen arin waajib ku ahayd.

PUNTLAND POST