Madaxweyne Trump Oo booqday gobalka California oo dhawaan dab xoogani ka kacay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaadhay California si uu u soo indha indheeyo khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay gobolkaasi oo ay ku dhinteen 71 qof.

Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan 1,000 qof oo kale in la la’yahay iyada oo mas’uuliyiinta gobolkaasi ay sheegeen tirada dadka dhintay iyo kuwa la la’yahayba ay isbedbeddeli karto.

Madaxweyne Trump oo magaalada Paradise uu dabka khasaaraha badan u geystay ka hadlay ayaa wuxuu ammaanay maamulka gobolka iyo shaqaalaha ku howlan baadi goobka dadka la la’yahay.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post