Madaxweyne Farmaajo oo Qaaday Tallaabo aanay horay u qaadin Madaxdii ka Horreysay

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka gudoomay safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka ay usoo magacawday Soomaaliya, Donald Yukio Yamamoto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay Xarunta ciidamada AMISOM ee Muqdisho ee loo yaqaanno Xalane oo ku taal xeyndaabka sida aadka ah loo ilaaliyo ee Garoonka Diyaaradaja Xamar, halkaasoo wada-hadallo kooban kula qaatay Donald Yamamoto.

Xarunta Villa Somalia ayaa qoraal ay baraha Bulshada soo dhigtay waxay ku sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya uu maanta warqadaha Aqoonsiga ee danjirenimo ka guddoomay Donald Yamamoto, iyadoo aan warbixintaan lagu xisin halka arrintani ka dhacday.

Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo Madaxweyne Soomaaliyeed uu Waraaqaha aqoonsi danjirenimo uu Xalane ama safaarad dhexdeed kaga guddoomo safiir waddan kale uu u soo magacabaay Somalia.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somalia, C/salaan Hadliye ayaa sannadkii 2016-kii, Waraaqaha aqoonsiga wuxuu safaarada Mareykanka ee Xalane uga guddoomiay Safiirkii hore Mareykanka Micheal Schwartz oo is casilay 2017-kii.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxaa laga bixiyay faallooyin kala duwan iyadoo shacabka qaarkood ay ku tilmaameen mid sumcad-xumo daran u horseedayso Somalia, halka kuwo kalena ay sheegeen in sababtu ay tahay iyadoo aan dublamasiyiinta Mareykanka ah loo ogoleyn inay soo dhaafaan Xalane.

PUNTLAND POST