Madaxweynaha Puntland oo maamul ku-meel-gaadh ah u magacaabay Gaalkacyo

Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa maamul ku-meel-gaadh ah u magacaabay,degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,kadib markii uu kala diray Golihii degaanka degmadaasi.

Laba digreeto oo caawo ah ka soo baxay xafiiska madaxweynaha,kuna taariikhaysan 17 November 2018, ayaa midda kowaad lagu kala diray Golihii degaanka Gaalkacyo,halka tan labaadna si ku-meel-gaadh ah loogu magacaabay guddoomiye iyo ku xigeen cusub.

Kala-dirista Golihii degaanka Gaalkacyo ayaa loo cuskaday,tala-soojeedin ka timid wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland oo caddaysay, in  ay hanan-waayeen shaqadii loo igmaday,sida ku xusan digreetada kowaad ee madaxweynaha.

Dhinaca kale, madaxweyne Gaas ayaa si ku-meel-gaadh ah guddoomiyaha cusub ee  degmada Gaalkacyo u magacaabay Yaasiin Cabdisamad Cumar,halka ku xigeenkiisa loo magacaabay,Maxamed Cabdinaasir Cigaal,sida ku cad digreetada labaad.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar