Musharax Khaliif Ciise Mudan oo Bosaso lagu soo dhaweeyey

Bosaso-[Puntland Post] Magaalada Bosaso ayaa maanta lagu soo dhaweeyey musharax Madaxweyne Puntland Khaliif Ciise Mudan oo kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimda Puntland 2019.

Boqallaal dadwayne ah oo ruuxayay calamo iyo boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigyada musharax Khaliif Ciise Mudan ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Bosaso.

Waxaana sida oo kale soo dhaweyntiisa ka qeyb galay maamulka degmada Bosaso ,iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamadda dawlada .

Musharax Khaliif Ciise Mudan oo goob fagaara ah kala hadlay boqolaal shacab ah oo soo dhaweyntiisa ka qeybgalay waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta uu kala kulmay bulshada Bosaso islamarkan uu kulamo la yeelan doono qeybohooda kala duwan.

Musharax Khaliif Ciise Mudan ayaa soo dhaweyntiisa si,aad ah looga dareemayay malmihii la soo dhaafay magaaladda Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Cabdiqani Boos 

Puntland PostÂ