Jabuuti oo sheegtay inay Dowlada Eritrea ka Dacweynayso Maxkamadda Caalamiga ee ICJ

Jabuuti (PP) ─  Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya ee Qaramada Midoobay, Maxamed Saciid Ducaale ayaa sheegay in muranka dhulka ah ee u dhexeeya Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea lagu ballamay in la isla aado Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, kaddib markii Jabuuti ay ka codsatay Golaha Ammaanka inay ka taageeraan sidii loo xallin lahaa muran xuduudeedka kala dhaxeeya dalka Eritrea.

Danjiraha ayaa sheeay n dalkiisu doonayo in xal kama dambeys ah loo helo khilaafka soohdinta ee kala dhaxeeyo dalka Eritrea iyo in lagu kala baxo qaanuunka dowliga ah.

“Xukuumadda Jabuuti waxay Golaha Ammaanka ee QM ugu yeertay iyadoo kaashaneysa taageerada Xoghayaha Guud in labada dhinac ay muranka ku xaliyaan si nabad ah oo cid kale ay dhex-dhexaadiso sida maxkamadda ICJ,” ayuu yiri danjire Ducaale.

Sidoo kale, Dowladda Jabuuti ayaa horay u sheegtay in arritna murankaan dhalisay ay qayb ka tahay lahaanshaha Jasiiradda Doumeira iyo 13-Askari oo Jabuutiyaan ah oo weli lagu la’yahay gacanta Xukuumadda Asmara.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Golaha Ammaanka ee QM ayaa ku dhawaaqeen dhawaan inay cunna-qabateyntii hubka ay ka qaadeen Eritrea, kaddib markii dowladdaha Somalia iyo Itoobiya ay codsadeen in laga qaado.

Ugu dambeyn, Isbedelka ka dhacay Geeska Afrika ayaa waxaan weli si rasmi ah uga soo muuqan Dowladda Jabuuti oo dagaal culus ay isla galeen Eritrea oo ay ku murmeen lahaanshaha dhul ballaaran oo xuduudda labada waddan ku yaalla.

PUNTLAND POST